Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii labaad ku sugan Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ayaa ka wada kulamo lagu dardargelinayo wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
Madaxweynaha ayaa xalay degmadaasi kula kulmay Saraakiisha Ciidamada ee hoggaamineysa hawlgalka maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo gobolkaasi, iyadoo kulankaasi uu ka qaybgalay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).
Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu galabta degmadaasi kula kulmay Hoggaanka Ciidanka Difaaca ee Macawiisley iyo qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka.
“Madaxweynaha ayaa ka dhageystay bulshada Maqokori iyo Hoggaanka Macawiisleyda talooyinkooda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isaga oo ku bogaadiyay bulshada Hirshabelle, sida ay dhiiggooda ugu hurayaan in ay iska dulqaadaan argagixisada gumaadka ku haya shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute), Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Moqokori & Jalalaqsi iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, oo laga xusi karo Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamuud Dhagaweyne.
Dhanka kale wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu hub iyo rasaasba ka dejiyay Degmooyinka Moqokori iyo Buuloburde.
Wararka ayaa sheegaya in diyaarado ay saad lagu xoojinayo hawlgalkan ka soo qaadeen dhinaca Magaalada Muqdisho.
Taliska Militariga ayaa dadka deegaanka ee loo abaabulay la dagaalanka Al Shabaab, isla-markaana ka tirsan Macawiisleyda siinaya qalabka ay u baahan yihiin, iyadoo uuna ujeedku yahay in dib boorka looga jafo la dagaalankii Shabaabka gobolkaasi.
Xoogaga Macawiisleyda waa ciidan deegaanka ah oo loo abaabulay, si ay Ciidanka Xoogga Dalka uga gacan siiyaan dagaalka, waana dadka deegaanka oo geed geed u garanaya dhulka la doonayo in Al Shabaab laga saaro.
Macawiisleyda ayaa horey u soo jiitay indhaha Madaxda Dowladda Federaalka iyo Saraakiisha Militariga, waxaana la xusuustaa in ay door weyn ka qaateen wejigii koowaad ee hawlgalka.
Hawlgalkii hore ee sida dardarta leh sanadkii 2023 uga socday deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa laga bartay in marka ciidamada iyo shacabku wadajiraan uu ka khasaare yar yahay dagaalkii ay ciidamada muddada dheer ku keliga ahaayeen.