Shacabka Mareykanka ayaa maanta soo dooranaya Madaxweynaha dalkaasi hoggaamin doona, afarta sano ee soo socota.
Doorashadan ayaa waxaa si weyn ugu tartamaya Donald Trump iyo Kamala Harris, oo tartanka doorashada madaxtinimada Mareykanka ku metelaya Xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga.
Kamala Harris oo ah haweeneydii ugu horreysay oo madow ah oo u tartanta xafiiska ugu sarreya ee dalkaasi ayaa fileysa inay taariikh cusub dhigi doonto.
Haddii Kamala Harris la doorto waxay noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay ee Madaxweyne ka noqoto dalka Mareykanka.
Doorashadii madaxtinimada ee sanadkii 2020, haweeneydan ayaa ku biirtay ololihii Madaxweyne Joe Biden, iyadoona noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madow ah ee dalkaasi ka noqoto Madaxweyne Kuxigeen, loona magacaabo kuxigeenka xisbi weyn oo qaran.
Hadda, iyada oo ah Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee jagada ugu sarreysa waxaa suurtagal ah inay mar kale taariikh sameyso, iyada oo laga yaabo inay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee Madaxweyne Mareykan ah iyo haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda bulshooyinka laga tirada badan yahay ee maamusha xafiiska looga arrimiyo dalkaasi.
Donald Trump oo horey u soo noqday Madaxweynaha Mareykanka ayaa haddii uu ku guuleysto doorashadan, waxa uu noqon doonnaa Madaxweynihii ugu da’da weynaa, taariikhda Mareykanka ee la doorto.
Aragti uruurin la sameeyay ayaa muujineysa in labada musharax ee ugu cadcad doorashada dalkaasi ay aad isaga daba dhow yihiin.
Waxaa adag in la saadaaliyo cidda ku guuleysan karta doorashadan, marka laga shidaal qaato, sida la isugu dhow yahay, iyadoo ayna Warbaahinta Mareykanka doorashadan ku sheegtay mid aad uga adag doorashooyinkii horey uga qabsoomay dalkaasi.
Shacabka Mareykanka ayaa iyagu codkooda ku go’aamin doona cidda ay tahay inay maamusho Aqalka Cad, muddada afarta sano ah ee ina soo aaddan, inkastoo musharax kasta uu u baahan yahay in uu helo 270-ka cod ergo, si uu u noqdo Madaxweynaha Mareykanka, xitaa haddii lagaga badiyo codadka guud ee dadweynaha.
Labada musharax ayaa Insiintii oo ahayd maalintii ugu dambeysay ee ololaha doorashada diiradda saaray Gobolka Pennsylvania oo muhiim u ah doorashada, kaas oo la saadaalinayo in cidda ku guuleysata ay noqon karto Madaxweynaha xigga. Gobolkan ayaana ka mid ah 7-da gobol ee loo yaqaano gobolada codadkoodu guur-guuraan, oo ciddii heshaa ay guuleysaneyso. Goboladan ayaa kala ah Pennsylvania, North Carolina, Arizona, Georgia, Michigan, Nevada iyo Wisconsin.
Xamaasadda doorashada ayaa xoogeysan doonta, marka Guddiga Doorashooyinka ay bilaabaan tirinka codadkii la dhiibtay. Sidoo kale tirinta waxaa ku jiri doona codadkii ay dadweynuhu ku dhiibteen boostada gudaha.
Tirinta codadka ayaa qaadan karta dhowr maalmood, marka la eego tartanka adag. Warbaahinta ayaana ah halka ay dadku kala socon doonaan natiijada doorashada.
Sanadkii 2020, doorashada madaxtinimada Mareykanka oo la qabtay 3-dii bishii November ayuusan Biden ku guuleysan, illaa 7-dii bishaasi oo si rasmi ah lagaga dhawaaqay natiijada doorashada. Biden ayaana xilligaasi loo dhaariyay Madaxweynihii 46aad ee Mareykanka.
Doorashadan ayaa muhiim u ah taariikhda Mareykanka, maadaama ay calaamad kale u noqon doonto siyaasadda Mareykanka, hadba ciddii ku guuleysata Madaxweynihii hore ee dalkaasi Donald Trump iyo Kamala Harris oo haatan Madaxweyne Kuxigeen ka ah dalkaasi.
Fallanqeeyeyaasha qaarkood ayaa shaki ka muujinaya, sida Trump uu ugu qanci karo natiijada, haddii tartanka doorashada lagaga adkaado.
Indhaha caalamka oo dhan ayaa ku sii jeeda tartankan adag ee dhex maraya Trump iyo Kamala Harris.