Dagaal aan waxba la isku reeban ayaa maalintii labaad ka dhacay deegaanka Aboorey oo hoostaga Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan, iyadoo Ciidamada Dowladda oo garab ka helaya Macawiisleyda iyo Al Shabaab uu caawa gabalka ugu dhacay deegaankaasi.
Ciidamada ayaa maanta sii waday dagaalka la doonayo in maleeshiyada Shabaabka lagaga saaro deegaankaasi oo habeenkii Axadda ay la wareegeen.
Ciidamada ayaa bilowgii u muuqday kuwo si weyn ugu gacan sarreya dagaalka, ha yeeshee aad mooddo in dib loogu soo riixay gudaha deegaanka oo Talaadadii ay dagaal qabsadeen.
Dadka fara ku tiriska ah ee ku haray deegaanka ayaa soo sheegaya in goor sii horreysay Shabaab dibadda looga saaray deegaanka, balse ay awoodeen inay dib ugu soo rogaalceliyaan, illaa gabalka uu ka dhacayayna ay ka dagaalamayeen bartamaha Aboorey.
Wararka ayaa sheegaya in Al Shabaab ay gurmad ka heshay dhinaca deegaanka Buq Aqable ee galbeedka Gobolka Hiiraan, isla-markaana ay ka soo gudbeen deegaanka Jicibow oo Webiga Shabelle uu maro.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gurmadka Al Shabaab laga dareemay dagaalka Aboorey, isla-markaana ay u suurtagashay in ay si buuxda uga dagaalamaan bartamaha deegaankaasi.
Labada dhinac ayuu caawa gabalka ugu dhacay, iyadoo ay ku wada sugan yihiin gudaha deegaanka.
Dagaalka ayaa la qiyaasaya in berrito uu halkaasi ka sii socon doono, maadaama Al Shabaab ay deegaankaasi u aragto mid aad muhiim ugu ah.
Al Shabaab ayaa Aboorey u soo gashay, iyadoo dooneysa in ay uga sii gudubto deegaanka Yasooman, si ay u qabsato waddada xiriirisa Yasooman iyo Degmada Maxaas.
Taliska Militariga Somaliya oo taasi ka soo horjeedo ayaa ciidamo xoojin ah geeyay deegaankaasi, si aanay Shabaabku ugu soo fidin buuraha ku yaala Yasooman. Yasooman ayaa deris la ah Aboorey.
Taliska ayaa sidoo kale waxa uu maanta uu ciidamo fara-badan ku soo daadiyay dhulka buuraleyda ee u dhaxeeya Magaalooyinka Buuloburde iyo Halgan.
Ciidamada halkaasi ku sugan oo ah kuwo aad u feejigan ayaa u diyaarsan in ay ka hortaggaan Shabaabka guur-guura, si aanay qalqal amni uga abuurin waddada laamiga ee xiriirisa min Buuloburde, Halgan illaa Beledweyne.
Dagaalka Aboorey ayaa noqonaya mid ka mid ah dagaaladii ugu qaraaraa ee ciidamada iyo maleeshiyada Al Shabaab ku dhex mara bariga Gobolka Hiiraan.
Dagaalka ayaa waxaa si toos ah uga qayb qaadanaya Ciidanka Xoogga Dalka, Macawiisleyda, Ciidanka Gaarka ee NISA iyo cutubyo ka tirsan Kumaandooska Danab.
Dagaalkan ayaa shalay iyo maantaba gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada kala gaaray, inkastoo aan la ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.
Dagaalkii shalay oo kale ayaa waxaa ku dhintay askar uu ka mid ahaa sarkaal lagu magacaabi jiray Laba Xidigle Asad Cismaan Afrax, Taliyihii Ururka 164-aad ee Kumaandooska Danab.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku foogan, sidii ay ciidamadu u soo afjari lahaayeen maleeshiyada soo hujuumtay deegaanka Aboorey, si aysan wax carqaladeyn ah uga samayn bariga gobolkaasi.