Home Dhacdooyin Dagaal ay dad badani ku dhinteen oo Calawiyiinta Suuriya ay la galeen ciidamada

Dagaal ay dad badani ku dhinteen oo Calawiyiinta Suuriya ay la galeen ciidamada

by Laacib

Xoogaga Islaamiyiinta ee la wareegay dalka Suuriya iyo bulshada Calawiyiinta ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Bashar Al Assad ayaa ku dagaalamay Magaalada Tartus, iyadoona dad askar u badan lagu dilay dagaalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagalka uu ka dambeeyay, ka dib markii Calawiyiinta ay is hortaageen Sarkaal ka tirsanaa dowladdii la riday oo ciidamadu ay doonayeen inay soo xiraan.

Ciidamada nidaamka is bedelka ee Suuriya ayaa Sarkaalkan la xiriiriyay in uu qayb ka ahaa tacadiyadii ay dowladdii hore ka gaysatay Xabsiga Sednaya ee duleedka Magaalada Dimishiq.

Maamulka dalkaasi ayaa sheegay in 14 ka mid ah ciidamadooda la dilay, 10 kalena ay ku dhaawacmeen, dagaalkan oo gelinkii dambe ee Arbacadii ka dhacay Tartus.

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha, Mohammad Abdul Rahman ayaa sheegay in ciidamadu ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen haraadiga taliskii hore, iyagoo gudanaya buu yiri waajibaadkooda sugidda amniga.

Kooxda La socodka Xuquuqda Aadanaha Suuriya ee SOHR ayaa sheegtay in 17 qof ay ku dhinteen dagaalka Tartus, ka gadaal markii ciidamadu ay damceen inay soo xiraan Sarkaalka hore.

SOHR ayaa sheegtay in dagaalka lagu dilay 14 ka mid ah ciidamada iyo saddex nin oo hubeysan, oo ku dagaalamay deegaanka Khirbet Al-Maaza ee Tartus.

SOHR waxay sheegtay in ninka la raadinayay uu ahaa Mohammed Kanjo Hassan, kaas oo soo qabtay jegada Agaasimaha Waaxda Caddaaladda Militariga iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.

Inkastoo Hoggaamiyaha Suuriya, Ahmed Al Sharaa (Abu Mohammed Al Jawlani) uu ballanqaaday inaanu jiri doonin wax aargoosi ah, haddana waxa uu dib ka soo saaray war uu ku sheegayo in sharciga lala tiigsan doono saraakiishii ku lugta lahayd dembiyada iyo xadgudubyada ka dhacay Suuriya, muddadii uu xukunka hayay Madaxweyne Assad.

“Waxaan raadin doonnaa saraakiisha sarsare ee militariga iyo kuwa amniga ee ku lugta leh dembiyada dagaal, oo ay ku jiraan kuwa dalka ka cararay.” Ayuu yiri Ahmed Al Sharaa maalin ka dib, markii xoogagiisu ay la wareegeen gacan ku haynta Caasimadda Dimishiq.

Hadalkiisan ayaa ka dambeeyay dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee lagu arkay Xabsiga Sednaya, oo dadka dalkaasi ay u yaqaanaan (Kawaankii dadka).

Mucaaradka ayaa 8-dii bishan furay albaabada xabsigaasi, ka gadaal markii xoogaga ay hoggaamiso Hayat Tahrir Al-Sham ay 13 sano ka dib oo dagaal sokeeye ah ay soo afjareen Dowladdii Shiicada ee caanka ku ahayd xasuuqa iyo caburinta dadkii dhigayay mudaaharaadyadii lagaga soo horjeeday dowladdaasi.

Waa dagaalkii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee dhex mara ciidamada maamulka cusub iyo bulshada Shiicada ee laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta, tan iyo markii la afgembiyay dowladdii sanadaha badan ka arrimiineysay Suuriya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc