Home Wararka Maanta Dagaal culus oo ka socdo Gobolka Shabellaha Hoose

Dagaal culus oo ka socdo Gobolka Shabellaha Hoose

by Laacib

Wararka laga helayo Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay waaberigii hore ee saaka ay weerar culus ku qaadday deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan laga maqlay deegaanadaasi, ka hor inta aysan maleeshiyada weerar toos ah ku qaadin Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin Sabiid.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in wax yar uun ka dib xilligii Salaadda Subax ay xabaddu is qabsatay deegaanka oo hoostaga Degmada Afgooye, welina uu dagaalku socdo.

Ciidanka Guutada 14-ka October oo lagu xoojiyay tiro ka mid ah Kumaandooska Gorgor ayaa degan Sabiid, waxayna sameynayaan iska caabin ay dib isaga riixayaan colkaasi soo hujuumay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in maleeshiyaad kale oo kuwa Shabaabka ka tirsan ay jidka u galeen ciidan gurmad ahaa oo ka yimid dhinaca Degmada Awdheegle.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax lagu aasay waddada dhinaceeda uu qabsaday gaari Cabdi Bile ahaa, oo ay la socdeen ciidan uu hoggaaminayay Kabtan Maxamed Nuur (Jareere), Abaanduulaha Ururka Awdheegle ee Guutada 14-ka October.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Abaanduulaha iyo dhowr askari oo kale ay ku dhinteen qaraxaasi.

Xaaladda Sabiid iyo Caanoole ayaa saaka ah mid aad u kacsan, iyadoo welina ay xabaddu ka socoto.

Al Shabaab waxay sheegtay in maleeshiyadeeda ay dagaal kula wareegeen gacan ku haynta Sabiid, balse ma jirto cid xaqiijin karta sheegashadooda.

Dadka deegaanka ayaa kuu sheegaya in dagaalka saaka ka socdo Sabiid uu ka culus yahay midkii 1-dii bishii May ee sanadkii 2024 ka dhacay deegaankaasi, markaas oo Shabaabku ay weerareen.

Shabaabka ayaa isku dayaya in ay Dowladda Federaalka aag dagaal kaga furaan Gobolka Shabellaha Hoose, si ay isaga qafiifiyaan cadaadiska militari ee ka haysto Gobolka Shabellaha Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahmiyad gaar ah siinaya hawlgalka Hirshabelle ayaa waxaa suurtagal tahay in saacadaha soo socdo uu dib ugu laabto jiidaha hore.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay fiidkii ku laabtay Magaalada Muqdisho, ka dib safar uu Talaadadii ku tegay Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu gaaro Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc