Ciidamada Dowladda oo garabsanaya kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa maalintii saddexaad maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalamaya deegaanka Aboorey ee bariga Gobolka Hiiraan.
Ciidamada ayaa Talaadadii weerar xoogan ku qaaday maleeshiyadaasi oo habeenkii Axadda la wareegtay gacan ku haynta deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in dagaal is riixriix ah uu ka soconayo Aboorey oo qiyaastii 30km jihada waqooyi kaga beegan Degmada Buuloburde.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in marba qolo la riixayo, daqiiqado ka dibna qolada kale lagu soo celinayo goobteeda, taas oo dagaalka ka dhigtay in maalintii saddexaad lagu wada dagaalamayo bartamaha Aboorey.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mar kasta oo Al Shabaab dibadda looga riixo deegaanka ay gurmad xoojin ah ka helayso dhinaca deegaanka Jicibow, iyadoona gurmadka uu u soo marayo hawdka deegaanka Beera-yabaal.
Al Shabaab ayaa waxaa muuqato in ay ku mintideyso Aboorey, isla-markaana ay ka tanaasuli la’dahay deegaankaasi, oo ku dhawaad saddex sano ka hor laga saaray, laakiin ay habeeno ka hor ku soo laabatay, iyadoo aanu wax dagaal ahi ka dhicin.
Saraakiisha Militariga Somaliya ayaa kuu sheegaya in dagaalku uu socon doono, illaa laga xaqiijinayo in Aboorey ay xor ka tahay kooxaha argagixisada.
Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa gaarka ee NISA, Macawiisleyda iyo Kumaandooska Danab ayaa ka qayb qaadanaya dagaalkan.