Home Wararka Maanta Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

by Laacib

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ay maleeshiyada Al Shabaab kula galeen bariga Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa saakay ku dhaqaaqay deegaanka Jicibow, iyagoona iska caabin xoogan kala kulmay maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada ayaa laba jiho kaga dhaqaaqay deegaankaasi. Qaybtooda hore ayaa ka soo weeraray dhinaca duleedka Degmada Halgan, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay hawlgal sifeyn ah ka wadeen, halka qaybta labaadna ay ka soo hujuumeen hawdka deegaanka Beera-yabaal.

Maleeshiyada Shabaabka ayaa waddada u galay Xoogaga Macawiisleyda oo ka soo ruqaansaday dhinaca hawdka Beera-yabaal, iyagoo markaasi ku sii jeeday dhinaca Jicibow. Macawiisleyda ayaa la soo sheegaya in hawdka ay dagaal fool ka fool ah kula galeen Shabaabka, isla-markaana ay saacado badan ku qaadatay in ay ka gudbaan qayb ka mid ah dhulka geedaha badan. Macawiisleyda ayaa sugeysa shaqo badan, si ay uga gudbaan qaybaha kale ee u harsan ay Shabaabku ku sugan yihiin, oo dhul buuraley ahna ay ku jiraan.

Shabaabka ayaa horey bannaanada deegaankaasi iyo hawdka ku xeeranba uga sameystay dhufeysyo ay doonayaan inay deegaanka ku difaacdaan.

Hawlgalkan ku wajahan Jicibow ayaa qayb ka ah gulufka militari ee la qorsheeyay in maleeshiyadaasi lagaga sifeeyo dhanka bari ee Webiga Shabelle.

Dagaalkan maanta ka dhacay labada aag ee gobolka ayaa ahaa mid hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, isla-markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac kala gaaray.

Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in dagaalka lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Al Shabaab.

Idaacadda Codka Ciidamada ayaa ku warantay in hawlgalka lagu qabtay xubno kale oo ka tirsan maleeshiyadaasi.

Al Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in maleeshiyadeeda ay dagaalka ku dileen 21 askari oo isugu jira ciidamada hawlgalka wada.

Dagaalka ayaa soo gaaray gabal-dhicii, waxayna ciidamadu ay wa-xoogaa horumar ah ka sameeyeen weerarka ay ku hayaan Jicibow.

Waxa hawlgalka gaabiska ka dhigay ayaa ah, iyadoo Shabaabku ay wax ka soo tooganayaan dhulka jiqda ah, taasna ay ka caawisay inaanan si dhakhsa ah lagu gaarin inta badan difaacyada ay ku leeyihiin bannaanada Jicibow, inkastoo ay ciidamadu ku sii dhawaanayaan.

Shabaabka ayaa ku mintidaya, sidii ay u sii joogi lahaayeen Jicibow, maadaama uu yahay deegaanka ugu muhiimsan ee dhulka ay haatan kaga sugan yihiin bariga Gobolka Hiiraan.

Militariga Somaliya ayaa ahmiyad badan siinaya xoreynta Jicibow, oo qabashadeedana ay u arkaan mid muhiim u ah hawlgalkan.

Jicibow oo gacanta lagu dhigo ayaa ciidamada ka taageereysa in ay si buuxda gacanta ugu dhigaan dhulka jiinka webiga ee bariga gobolkaasi. Jicibow waxay hoostagtaa Degmada Buuloburde.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc