Home Wararka Maanta Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe

Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu maanta ka dhacay deegaanka Boos Hareeri oo dhanka koonfureed kaga beegan Degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay weerar culus ku soo qaadeen Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Difaaca Shacabka iyo Ciidanka Gaarka NISA ee ku sugan deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in saacado ka dib ay Shabaabka u suurtagashay inay la wareegaan gacan ku haynta fariisimihii ay ciidamadu ku lahaayeen deegaankaasi, ka gadaal markii ciidamadu ay dib uga gurteen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyadu ay isku fidisay xaafadaha deegaankaasi, markii ay dagaalku ku qabsadeen fariisimihii ciidamada.

Ciidamada ayay wararku sheegayaan in weerar rogaalcelin ah ay ku qaadeen Shabaabkii halkaasi qabsaday, iyagoona gurmad xoog leh ka helay meelo kala duwan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay dagaal xoogan dib ugu la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi, isla-markaana ay ka saareen maleeshiyadii qabsatay.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa laga soo xigtay in ciidamadu ay baacsanayaan kooxihii argagixisada ee weerarka soo qaaday.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabku ay si farsameysan uga soo gudbeen dhulka hawdka ee dhaca duleedka Degmada Alkowsar, ka hor inta aysan weerarka ku soo qaadin Boos Hareeri.

Ilaha ku dhow dhow Saraakiisha Militariga ayaa ku waramaya in dagaalku uu gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac ah.

Ilo wareedyadu waxay xaqiijinayaan in illaa 10 askari ay ciidamada kaga dhimatay dagaalka, tiro kalena ay kaga dhaawacantay, isla-markaana dhaawacyada askarta loo qaaday dhinaca Magaalada Muqdisho.

Shabaabka ayaa Isniintii sidaan oo kale u soo weeraray deegaanka Boos Hareeri, inkastoo ay ku hungoobeen in ay la wareegaan.

Xaalad jahwareer badan ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay ka jirtay Gobolka Shabellaha Dhexe, taas oo ka dhalatay weerarada sii kordhaya ee ay maleeshiyada Shabaabku ka gaysanayaan deegaanadii horey looga saaray ee gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc