Home Wararka Maanta Dagaal ka dhacay deegaan hoostaga Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Dagaal ka dhacay deegaan hoostaga Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa maanta weerar ku qaaday maleeshiyada Al Shabaab ee saacadihii dambe ee Arbacadii soo gashay deegaanka Lamagaras (Labagaras) ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Shabaabka ayaa bilowgii bilaa dagaal kula wareegay deegaankan oo hoostaga Degmada Cadale, iyagoona xalay ku hoyday afaafka hore ee deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday uu ka dhacay duleedka deegaankaasi, ka dib markii Shabaabku ay halkaasi difaac ka xirteen.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in intii uu dagaalku socday ay diyaarado dagaal xagga cirka ka garaaceen maleeshiyada Shabaabka.

Wararka kale ee la helayo ayaa sheegaya in ciidamadu aysan u suurtagelin inay dib ula wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi, isla-markaana ay haatan ku sugan yihiin duleedkiisa.

Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku warantay in ciidamadu ay khasaare u gaysteen maleeshiyadii soo hujuumtay deegaankaasi, ka dib weerar cir iyo dhulba leh oo lagu qaaday.

Raadiyaha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in ciidanku ay hawdka ku baacsanayaan firxadka kooxaha argagixisada.

Al Shabaab ayaa dhankeeda war ay soo saartay ku sheegtay in maleeshiyadeeda ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaankan, oo muhiim u ah amniga magaalo xeebeedka Cadale.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda weerartay Shabaabka halkaasi ku sugan ayaa ka soo ruqaansaday deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hoostaga Cadale.

Cadale ayaa ku taala meel istiraatiiji ah, marka aad eegto in ay ku dhirirsan tahay Badweynta Hindiya, waxayna qiyaastii 185km ay dhanka waqooyi bari kaga beegan tahay Caasimadda Muqdisho.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa bishii June ee sanadkii 2023 si buuxda ula wareegay amniga degmadaasi, ka dib markii ay ka guureen Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Hawlgalka ATMIS.

Shabaabka ayaa la sheegaya in ay isku dayayaan inay ku soo fidaan Degmooyinka Cadale iyo Raage Ceele oo dhaca dhinaca xeebta ee Gobolka Shabellaha Dhexe, taasoo noqon doonto dhibaato kale oo amni oo ku soo kororta gobolkaasi, xilligan oo xiisad weyn ay ka jirto gobolkan.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaase wada dadaalada lagu xakameynayo is ballaarinta ay Shabaabku ka wadaan gobolka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc