Home Wararka Maanta Dagaal ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Shabaab oo la wareegay Ceel Cali Axmed

Dagaal ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Shabaab oo la wareegay Ceel Cali Axmed

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal culus uu maanta ka dhacay deegaanka Alkowsar ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Al Shabaab ay weerar xoogan ku qaadday fariisimaha ay ciidamadu ku leeyihiin afaafka hore ee deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ay halkaasi Shabaab kula galeen mid ka mid ah dagaaladii ugu cuslaa ee ay muddooyinkan kula galaan gobolkaasi.

Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku warantay in ciidamadu ay jebiyeen maleeshiyadaasi, isla-markaana ay Shabaabku ku hungoobeen ujeedkii weerarkooda.

Warbaahinta Qaranka ayaa soo bandhigtay muuqaalka meydadka xubno ka mid ah maleeshiyadii la sheegay in lagu dilay dagaalkaasi.

Dhanka kale xiisad ayaa laga soo sheegaya deegaanka Ceel Cali Axmed oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi, ka gadaal markii ay Al Shabaab bilaa dagaal kula wareegtay.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa la sheegay in ay bannaanka uga baxeen deegaankaasi, markii Shabaabka lagu arkay duleedyadeeda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore) ayaa sheegay in ciidamadu ay arrimo farsamo uga soo baxeen deegaanka, dibna ay ugu laaban doonaan.

Shabaabka ayaa Khamiistii weerar saf ballaran ku qaaday deegaano ay ka mid yihiin Ceel Cali Axmed iyo Alkowsar.

Shabaabka ayaa isku dayaya in ay wiiqaan gulufka ballaaran ee militari ee ka socdo Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc