Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal la isku soo noqnoqday oo maanta ka dhacay Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya kuwa Difaaca Shacabka ayaa saakay weerar saddex jiho leh ku qaaday maleeshiyada Al Shabaab ee ku dhawaad laba toddobaad ka hor qabsatay degmadaasi.
Ciidamada ayaa degmadaasi ka weeraray jihooyinka Degmooyinka Mahadaay, Aadan Yabaal iyo Jalalaqsi, iyagoo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka.
Shabaabka ayaa si weyn isaga caabiyay ciidamada jihooyinka kala duwan ka soo weeraray degmadaasi, taas oo bilowgii ciidamada qaybtood ka hor istaagtay inay soo galaan degmadaasi, dagaalkana ka dhigtay inuu jiitamo.
Ciidamada ayaa duhurnimadii hakiyay weerarkii ay ku hayeen degmadaasi, ka dib markii la kordhiyay duqaynta xagga cirka ee loo gaysanayo Shabaabka ku sugan degmadaasi.
Ciidamada ayaa sii waday gulufkoodii dhinaca dhulka, markaas oo dagaalka ay dib kaga biireen ciidamo ka tirsan kuwa Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), kuwaas oo ah kuwii shalay Shabaabka kula dagaalamay deegaano hoostaga Degmada Aadan Yabaal.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Danab ayay u suurtagashay inay gudaha u galaan degmada, ka gadaal markii ay waddo ka furteen mid ka mid ah dhufeysyadii ay Shabaabku ka difaacayeen Ceelbaraf.
Xoogag ka tirsan kuwa Macawiisleyda oo degmada ka soo hujuumay dhinaca Jalalaqsi ayaa iyana la sheegay inay gudaha u galeen Ceelbaraf.
Ilaha madaxbannaan ayaa sheegaya in ciidamada ay dib uga soo baxeen degmadaasi abaarihii 3:00 galabnimo, ka dib iska caabin xoog leh oo Shabaabku ay sameeyeen.
Dagaalkan ayaa saacado ka dib ku soo dhammaaday, iyadoo aysan ciidamadu wax natiijo ah ka gaarin hawlgalkoodii militari ee kooxaha argagixisada lagaga saarayay degmada muhiimka ah ee Ceelbaraf.
Dadka deegaanka ayaa dagaalkan ku sheegay kiisii ugu weynaa ee ka dhaca degmadaasi, tan iyo intii ay Shabaabku qabsadeen dhawaan.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo dhinacyadii dagaalamay ah, inkastoo aan faah faahin laga hayn inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay.
Sidoo kale waxaa jira guryo la deganaa oo dagaalku uu saameeyay iyo qaar kale oo ku burburay duqaynta is daba jooga ah ee dhowrkii cisho ee la soo dhaafay ku socotay degmadaasi.
Dagaalkan ayaa daba socdo dagaalo culus oo Isniintii ka dhacay deegaanada Ceel Cali Axmed iyo Boos Hareeri oo labaduba hoostaga Degmada Aadan Yabaal. Ciidamada ayaa halkaasi dagaal faraha looga gubtay kula galay maleeshiyada Shabaabka oo soo weeraray.