Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saacado badan socday oo maanta ka dhacay Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed deegaanka ah, oo ay kaabayaan ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, balse qaab qabiil ugu kala qaybsamay xiisadda.
Dagaalka oo saakay ka qarxay degmada ayaa soo gaaray gelinkii dambe ee maanta, iyadoo aysan illaa iyo hadda jirin cid si rasmi ah u kala dhexgashay labada dhinac.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dagaalka uu markii hore ka bilowday gudaha Degmada Qoryooley, uuna ku fiday bannaanada degmadaasi.
Goobjoogeyaashu waxay kaloo sheegeen in meelaha daran ee lagu dagaalamay ay ka mid tahay aagga Buundada Degmada Qoryooley.
Afar qof oo ka mid dhinacyadii dagaalamay ayaa la sheegaya in ay ku dhinteen dagaalka, tiro kale oo dad rayid ahna ay ku jiraan ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa sheegaya in dhinacyadu ay weli isku horfadhiyaan qaybo ka mida meelihii lagu dagaalamay, tanina ay baqdin ku hayso dadka deegaanka.
Cabdiraxmaan Abuukar oo ka mid ah dadka reer Qoryooley ayaa sheegay in ay jiraan dad isaga barakacay degmada, kuwo kalena ay qiimeynayaan xaaladda.
Dhanka kale Maamulka Degmada Qoryooley iyo Saraakiisha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, oo saldhig ku leh degmadaasi ayaa la soo sheegaya in ay ka arrinsanayaan xiisadda ka taagan degmadaasi.
Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay in dagaal beeleed uu ka dhaco degmadaasi.
Wasiir Najax ayaa odayaasha, waxgaradka, culimada iyo aqoonyahanada deegaanka ugu baaqay inay u istaagaan dagaalka beelahan ee ku soo noqnoqday Qoryooley.
Dhowr jeer oo hore ayay dhinacyadu sidaan oo kale ugu dagaalamayeen Degmada Qoryooley, oo kii ugu dambeeyay uu dhex maray bartamihii bishii April, balse dadaalo ay sameeyeen Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose iyo waxgaradka deegaanka ay suurtagelisay in xiisadda la dejiyo.
Waxa keenay in colaadda ay haatan dib uga soo cusboonaato degmadaasi ayaa lagu sheegay dilal xagga aanooyinka qabaa’ilada xiriira oo maalmihii ugu dambeysay ka dhacayay degmada.
Maxamed Ibraahim Barre, Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa mar sii horreysay maleeshiyada Al Shabaab ku eedeeyay in ay ka shaqeynayaan isku dhaca beelaha deegaanka.
Qoryooley oo 120km dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan Magaalada Muqdisho ayaa Shabaabka laga saaray bishii March ee sanadkii 2014.
Qoryooley waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah degmooyinka ugu dadka badan ee Gobolka Shabellaha Hoose.