Home Wararka Maanta Dagaal saf ballaaran oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe

Dagaal saf ballaaran oo ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe

by Laacib

Dagaalo faraha looga gubtay ayaa maanta ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay weeraro ku ekeeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Maleeshiyada ayaa weerartay deegaanada Cali Fooldheere, Ceel Cali Axmed, Alkowsar iyo Daaru-nimca ee gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa dagaal culus la galay Shabaabkii weerarka soo qaaday.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa sheegay in ciidamadu ay jilbaha u laabteen Shabaabkii soo weeraray, isla-markaana ay khasaare lixaad leh u gaysteen.

“Hub aad u tiro badan oo qaniimo oo shacabka Soomaaliyeed ay ku farxi doonaan ayay ciidanku gacanta ku dhigeen.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta Qaranka la hadlay.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Shabaabku ay ka carareen meydad badan, isla-markaana ay hadda daadsan yihiin goobihii lagu dagaalamay.

Afhayeenku ma sheegin tiro rasmi ah, waxaase uu sheegay in tiradooda ay shaacin doonaan, marka ay meydadka soo tiro-koobaan, sida uu yiri.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in ciidamadu ay gacanta ku hayaan maxaabiis nool, kuwaa oo sida uu sheegay dagaalka lagu qabtay.

Abuukar Macalin Maxamuud, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa qiray in dagaalka ugu culus uu ka dhacay deegaanka Ceel Cali Axmed oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal.

Ciidamada ayaa Ceel Cali Axmed ku leh mid ka mid ah fariisimaha laga ilaaliyo amniga Degmada Aadan Yabaal, taas oo ciidamadu ay kula wareegeen wejigii koowaad ee hawlgalka.

Shabaabka ayaa soo qaaday weeraradan ugu dambeeyay, iyadoo labada gobol ee Hirshabelle uu ka socdo wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc