Ciidanka Puntland ayaa dilay xubno ka tirsan maleeshiyada Daacish, ka dib markii ay maanta weerar ku qaadeen fariisimihii ay ku lahaayeen deegaanka Casaasa ee Gobolka Bari.
Taliska Ciidanka Puntland ayaa sheegay in xubnaha la dilay ay ka qayb ka ahaayeen maleeshiyaadka ugu dambeeya ee lagu baacsanayo Buuraleyda Calmiskaad.
Saraakiisha ayaa goobta ku soo bandhigay meydadka tiro ka mid ah xubnaha la dilay oo ajaaniib ahaa.
Maxamed Cabdullaahi Stomach, Taliyaha Ururka 8aad ee Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in argagixisada Daacish ay jabtay, isla-markaana ay soo afjari doonaan.
“Diyaar baan u nahay inaan ka sifayno goobaha aan ku sugnahay, waana ay jabeen. Wax yar oo miino ah iyo tabar aan buurneyn ayaa ku hartay, kana hari mayno.” Ayuu yiri Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay jiidda hore.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray “Waxaan u ballanqaadaynaa shacabka Puntland iyo kan Soomaaliyeedba meel kasta oo cadow joogo inaan tagi doono, oo aanaan ka hari doonin.”
Ciidanka Puntland ayaa maalinba maalinta ka dambeysa ku sii fidaya deegaanada ay Daacishta Somaliya kaga harsan tahay Gobolka Bari.