Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa maanta oo kale sanadkii hore weerar aan horey noociisa loo arag ku qaaday dhulka ay Israel maamusho, kaas oo noqday weerarkii ugu weynaa ee ay Israel la kulanto 75-kii sano ee maamulkeedan uu jiray.
Maanta oo kale waa maalintii Xamaas ay weerarka la yaabka leh ku jabsatay xeendaabka ay Israel ka dhex dhistay Marinka Gaza iyo dhulka laga haysto shacabka Falastiin, balse ay Israel ugu yeerto koonfurta Israel, waana maalintii ay Xamaas muujisay in laga gudbi karo xuduud beeneedka ay Israel ku sheegtay mid ka mid ah soohdimaha ugu adag ee dunida, isla-markaana aysan jirin cid ka tallaabi karta, marka aad eegto juhdiga badan ee lagu bixiyay sugidda amnigiisa.
Waa weerarkii October 7, 2023 oo horseeday in Israel ay dareento walaacii amni ee ugu xooganaa muddadii uu calankeedu ka taagnaa Gobolka Bariga Dhexe iyo dunida inteeda kaleba, waana weerarka ay Israel sheegtay in maalin qura lagu dilay Israeliyiintii ugu badneyd, tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii 2aad ee adduunka.
Israel ayaa kol hore qiratay in weerarka lagu dilay illaa 1,200 oo qof oo Israeliyiin ah, oo ay ku jiraan saraakiil iyo askar, inkastoo la sheego in inta badan dadkaasi ay dileen Ciidamada Israel, intii ay ka falcelinayeen weerarkii Xamaas. Xamaas ayaana weerarkaasi ku soo qafaalatay saraakiil, askar iyo weliba rayid Israeliyiin ah, kuwaa oo maanta qaar badan oo ka mid ah lagu haysto gudaha Marinka Gaza, halka qaar kale ay ku baxeen gacanta askartooda, intii ay isku dayayeen in ay xoog ku soo furtaan. Qaar kale oo la haysteyaasha ka mid ah ayayna Xamaas ku sii deysay heshiis hal toddobaad oo xabad joojin ah oo ka dhaqangalay Gaza, daba-yaaqadii bishii November, markaas oo labada dhinac ay maxaabiis is dhaafsi sameeyeen.
Weerarkan oo taariikhdu ay si weyn u xusi doonto ayaa bilow u noqday in Israel ay Bariga Dhexe ka gasho dagaalkii ugu adkaa ee ay wajahdo, tan iyo aasaaskii dowladnimdeeda, waana dagaalka sanadkiisii koowaad galay ee ay ka waddo Marinka Gaza.
Saddex toddobaad oo Israel ay si xiriir ah u garaaceysay Gaza waxay 27-kii bishii October ay ciidamadeeda ku dhiiradeen inay gudaha u galaan Marinka Gaza, iyagoo moodaayay in ay si fudud kaga adkaadaan karaan Xamaas. Madaxda Israel ayaa xilligaasi ku hanjabay inay caddaaladda horkeeni doonaan Madaxda Xamaas. Doonistaas oo aan suurtagelin ayaana dagaalka ka dhigtay mid daba dheeraada oo jiitama.
Ciidamada Israel ayaa iska caabin xoog badan kala kulmaya kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, oo ay hormuud u yihiin Ururada Xamaas iyo Islamic Jihaad.
Iska caabinta nool ee kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta waxay noqotay caqabadda ugu weyn ee Israel ka hortaagan inay xaqiijiso saddexdii hadaf ee ay ugu duushay Gaza, ee kala ahaa burburinta Xamaas, dib-u-soo celinta la haysteyaasha Israeliyiinta iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku noqon Israel.
Khubarada oo dhan waxay isku raacsan yihiin in Xoogaga Falastiiniyiinta ay illaa iyo maanta ku gacan sarreyan meedaanka dagaalka. Tani ayay u tusaaleynayaan in hal sano oo dagaalka Gaza uu socday aysan weli Ciidamada Israel ku guuleysan inay xasilliyaan deegaan qura oo Gaza ka tirsan, muddadaasina aysan jirin deegaan ay ku wada nagaadeen.
Israel ayaa sameysay isku day kasta oo ay u arkeysay in ay kaga adkaan karto Ururka Xamaas, haddii ay tahay in gargaarka raashiinka, biyaha, shidaalka iyo sahayda dawada ah loo diido in la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee aadka ugu baahan, haddana taasi kama aysan caawin inay gaarto guushii ay u baahneyd.
Israel ayaa la sheegaya in ay ku guuldareysatay in ay iska horkeento shacabka Gaza iyo weliba Xamaas, haddii ay ciqaab walba marsiisay dadka rayidka ah, si ay ugu kacaan Xamaas, ayna dagaalka u joojiso.
Duqaymaha baahsan ee Israel ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 42 kun oo qof oo dad rayid ah, halka in ka badan 96 kun oo kalena ay ku dhaawacmeen. Dagaalkan ayaa laga bartay in umadi ay u adkeysan karto mid ka mid ah dembiyada ugu foosha xun ee aadamuhu uu isu gaysan karo.
Dadka faalloooyinka ka bixinaya dagaalka Gaza waxay sheegeen in dhibaneyaasha labaad dagaalkan ay yihiin Ciidamada Israel, kuwaa oo ay sheegayaan in ay ku dhiig baxayaan dagaalkan.
Wasaaradda Difaaca Israel ayaa bartamihii bishii August ku dhawaaqday in bil kasta ay dagaalkan kaga dhaawacmaan kun askari, waxayna ahayd qirasho la yaab leh oo aan Israel looga baran, inkastoo khubarada ay rumeysan tahay in waxyeelada askarta ay intaasi ka badan tahay.
Warbaahinta Israel ayaa marar badan ku warantay in ciidamadu aysan wax mooral ah u hayn dagaalka, isla-markaana ay si joogta ah u dalbadaan in laga soo saaro Gaza, laakiin aysan madaxdu dhageysaneynin.
Askarta oo qura ma ahan, xitaa waalidiintooda ayaa ka soo horjeeda sii socoshada dagaalkan, sababtoo ah waxay u arkaan mid aan natiijo lahayn, dano siyaasadeedna ay cid gaar ahi ka leedahay.
Waalidiinta askarta iyo qoysaska dadkooda lagu haysto Gaza ayaa marar badan dalbaday in ciidamada laga soo saaro Marinka Gaza, ha yeeshee waxaa ku gacan seyray Golaha Fulinta ee Netanyahu uu hoggaamiyo.
Netanyahu iyo Xubnaha Golihiisa Wasiirada qaarkood waxay ceeb u arkaan in ciidamada laga soo saaro Marinka Gaza, iyadoo aan la wiiqin cududda militari ee Xamaas.
Netanyahu iyo xertiisa ayaa ka cararaya in ay qirtaan in ay ku fashimeen dagaalkan, si dagaalka loo sii wadana wax dan ah kama lahan cid kasta oo ku dhimaneysa iyo halista uu ku yahay amniga iyo dhaqaalaha Israel.
Israel waxay maanta mareysaa waqti uu qabkeedu si weyn hoos ugu dhacay, dunidana ay aragto in ciidamadeeda lugta aysan ahayn sidii la moodayay, walow ay ku dheereyso dagaalka dhinaca cirka iyo sirdoonka, kuwaa oo haddana sidii la rabay aan ciidamada lugta uga la shaqeyn Gaza, marka aad milicsato in Xoogaga Falastiiniyiinta lagu loodin la’yahay dagaalkan.