Home Dhacdooyin Dagaalka Gobolka Hiiraan oo soo jiitay indhaha Madaxda Dowladda Federaalka

Dagaalka Gobolka Hiiraan oo soo jiitay indhaha Madaxda Dowladda Federaalka

by Laacib

Waxaa sii xoogeysanaya gurmadka ay Dowladda Federaalka u daabuleyso duleedka Degmada Buuloburde ee Gobolka Hiiraan, si loo soo afjaro maleeshiyada Al Shabaab ee maalintii saddexaad lagu la dagaalamayo deegaanka Aboorey.

Marka laga soo tago in cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka lagu abaabulay Magaalooyinka Beledweyne, Halgan, Buuloburde, Moqokori iyo Maxaas ee gaaray goobta dagaalka, haddana gurmadka ciidamada ayaa weli isaga kala imanaya Gobolada Galgaduud iyo Shabellaha Dhexe.

Ciidan ka tirsan Kumaandooska Danab oo Isniintii laga keenay labadaasi gobol ayaa ka qayb qaadanaya gulufka dagaal ee Shabaabka looga kicinayo Aboorey iyo goobaha ku dhow dhow.

Shabaab ayaa habeenkii Axadda la wareegay gacan ku haynta Aboorey oo hoostagta Degmada Buuloburde, ka dib markii ay ka yimaadeen dhinaca deegaanka Jicibow, iyagoo soo maraya hawdka deegaanka Beera-yabaal.

Shabaabka ayaan Aboorey iska imaan, balse ujeedada ay u yimaadeen ay tahay, sidii ay uga sii gudbi lahaayeen buuraha dhaca Yasooman oo ku dhow deegaankaasi, si ay ula wareegaan waddada Yasooman ku xiriirisa Moqokori illaa Maxaas, taas oo u furan Dac, Wabxo iyo Ceelbuur oo Gobolka Galgaduud ah.

Villa Somalia iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xoojiyay difaaca ciidamada ku sugan Yasooman, iyada oo Shabaab laga ilaalinayo inay ku soo firxadaan buurahaasi. Ciidamadan ayaa gadaal ka taagan kuwa Shabaab kula dagaalamaya Aboorey.

Masuuliyiinta qaar ee Dowladda Federaalka ayaa sheegaya in Shabaabku ay raadinayaan marin ay saadka u marsiin karaan maleeshiyadooda ku sugan Galmudug, haddii loo baahdana ay ugu soo gurman karaan kuwooda ku sugan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe (Hirshabelle).

Militariga Somaliya ayaa sidoo kale Arbacadii ciidamo fara-badan ku soo daadiyay dhulka buuraleyda ee u dhaxeeya Magaalooyinka Buuloburde iyo Halgan.

Ciidamada ayaa halkaasi loo keenay, si ay uga hortaggaan Shabaabka guur-guura, maadaama la tuhunsan yahay inay qorsheynayaan in ay qalqal amni ka sameeyaan waddada laamiga ee xiriirisa min Buuloburde, Halgan illaa Beledweyne.

Istiraatiijiyadda dagaalka ee Taliska Militariga ayaa ah in Shabaabku aanay isku soo ballaarin dhulka buuraleyda, maadaama ay dagaalka sii daba dheereynayso, caqabadna ay ku noqoneyso qorshaha mustaqbalka dhow lagaga saarayo deegaanada Hirshabelle iyo welibana Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo muddooyinkanba ku sugnaa Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa Talaadadii gaaray Gobolka Hiiraan, isaga oo ka shaqeynaya, sidii ay ciidamadu u fashilin lahaayeen damaca Shabaab ee ay marinka cusub ku raadinayaan.

Labada xafiis ee dalka ugu sarreya ayaa si dhow looga la socdaa dhaqdhaqaaqa aan caadi ahayn ee ka socda bariga Gobolka Hiiraan.

Qabsashada Al Shabaab ee Aboorey ayaa indhaha Dowladda Federaalka ku soo jeedisay bariga gobolkaasi.

Shabaabka ayaad arkaysaa in muddooyinkii u dambeysay ay marba meel ka soo dusayeen, si ay u wiiqaan qorshaha qaran ee yoolkiisu yahay in lagaga saaro daanta galbeed ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Al Shabaab ayaa dhowr iyo sano maamuleysay galbeedka labada gobol ee Hirshabelle.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc