Dowlad Goboleedka Puntland ayaa haatan dhexda kaga jirta dagaal lagu riiqmay, oo ciidamadeeda ay kula jiraan maleeshiyada Daacish ee ka dagaalameysa Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Dagaalkan ayaa yimid, ka gadaal markii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) uu 21-kii bishii December uu ilcaamiyay dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada. Taliska Ciidanka Puntland ayaana 31-kii bishii December ku dhawaaqay in uu bilowday hawlgal lagu la dagaalamayo maleeshiyada Daacish, saacado yar uun ka dib, markii maleeshiyadaasi ay weerar xoogan ku qaadday saldhigga ay Ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka Dharjaale ee gobolkaasi.
Puntland ayaan isku furin laba aag oo dagaal ah, maadaama maleeshiyada Al Shabaab ay darafka kale ka joogaan duleedka Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi.
Puntland ayaa waxaa muuqatay in tan iyo bilowgii hawlgalka ay si gaar ah u bartilmaameedsaneysay fariisimaha ay Daacish ku leedahay dhanka bari ee gobolkaasi, iyadoona ciidamadeeda aysan far u dhaqaajin dhinaca Al Shabaab.
Puntland ayaad mooddaa in ay diidaneyd in mar qura ay dagaal ku wada qaaddo labada maleeshiyo, taas oo laga yaabo inay keeni karto in ay is garabsadaan Shabaab iyo Daacish oo muddo dheer uu dagaal ka dhaxeeyay.
Ciidanka Puntland ayaa fulinaya qorsheyaasha dagaal ee ay saraakiishoodu dejiyeen, ee ah inay maleeshiyada Daacish ugu taggaan fariisimaha iyo godadka ay kaga sugan yihiin Buuraleyda Calmiskaad.
Afhayeenka Ciidanka Puntland, General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) ayaa sheegay in aysan dagaalka ka joojin doonin Daacish, illaa laga dilo ninka ugu dambeeya amaba laga soo qabto.
“Ciidamada waxaan leeyahay guul baad gaarteen, ku sii socda guusha aad gaarteen, iyadoo la fulinayo amarkii Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ee ahaa in ninka ugu dambeeya la soo qabto amaba isagoo meyd ah la keeno.” Ayuu yiri General Faadhigo.
Ciidanka Puntland ayaa 4-tii bishan bilaabay wejiga labaad ee hawlgalka, kaas oo la sheegay in maleeshiyada looga sifeynayo meelaha ay kaga sugan tahay dhulka buuraha.
Ciidanka Puntland iyo Daacishta Somaliya ayaa la fahamsan yahay in ay haatan isku horfadhiyaan qaybaha dhexe ee Buuraleyda Calmiskaad, iyagoona ku guuleystay in illaa 300km ay ka fogeeyeen Magaalada Boosaaso. Wejiga labaad ee hawlgalka socda ayaa ka adkaan doono midkiisii hore, haddii ciidamadu ay isku dayayaan in ay u gudbaan difaacyadii ugu dambeeyay ee Daacish, sababtu tahay maleeshiyada oo salka kula jirta dhul ciriiri oo raf badan, isla-markaana ay adag tahay in si fudud looga saaro.
General Faadhigo ayaa sheegaya in dadka reer Puntland ay ka go’an tahay in dalka laga suuliyo argagixisada Daacish, sida uu yiri.
Madaxweyne Deni ayaa guluf weyn ku kiciyay Daacishta Somaliya, isagoo ciidamada iyo dadka reer Puntlandba ku jiheeyay in cadowga lala dagaalamo, waana culeyskii ugu weynaa ee Daacish ay la kulanto, ku dhawaad 10 sano oo Puntland ay ka hawlgaleysay.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, General Muumin Cabdi Shire ayaa Axaddii waxa uu shacabka ugu baaqay in ay ka feejignaadaan firxadka Daacish. Taliyaha ayaa ka digay in argagixisada ay dooneyso inay ku dhex dhuumato shacabka.
“Haddii aad aragto ama maqasho dhaqdhaqaaq laga shakiyo, si degdeg ah ula xiriir booliska adigoo wacaya 999 (24/7 diyaar ah). Amniga waa masuuliyad wadareed.” Ayuu Taliyuhu ku sheegay war uu soo saaray.
Haddii Puntland ay si buuxda uga adkaato Daacish, weli xaalkeedu waa mid aan deganeyn, inta Shabaabku ay ku sugan yihiin gobolkaasi, maadaama masuuliyiinta Puntland ay doonayaan in dhulka maamulkaasi uu noqdo mid ka caagan khataraha amni ee kooxaha argagixisada.
Shabaabka ayaa dhowr iyo toban sano ka hawlgalayay Gobolka Bari ee Puntland. Khubarada amniga ayaa kuu sheegaya in Shabaabku ay ka hub iyo ciidanba badan yihiin maleeshiyada Daacish. Shabaabka ayaa dhul ballaaran ka maamula Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya, waxaana xusid mudan in dakhliga ka soo gala gudaha uu aad uga badan yahay, midka ay Daacish ka qaaddo ganacsatada Magaalada Boosaaso iyo qayb yar oo ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. Daacish ayaan wax saldhig ah ku lahayn dalka intiisa leh, marka laga soo tago Gobolka Bari.
Daacish ayaa daba-yaaqadii bishii October ee sanadkii 2015 looga dhawaaqay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari. Muddadii ay dalka ka jirtayna dagaal toos ah lama gelin cid aan Puntland ahayn.
Hase yeeshee Shabaabka ayaa tan iyo aasaaskoodii dagaal kula jiray dowladihii dalka isaga kala dambeeyay, Ciidanka Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya iyo dhammaanba Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.
Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa Shabaabka ku sifeysay khatarta ugu weyn ee amni ee maanta ka jirta Qaaradda Afrika.
Si kastaba ha-ahaatee Shabaab iyo Daacishta Somaliya waa laba urur oo hubeysan, oo dunida looga tixgeliyo inay yihiin ururo argagixiso, waxaana kala hoggaamiya Axmed Diiriye Abu Cubeyda iyo Cabdiqaadir Muumin Cali.