Home Dhacdooyin Dagaalkii Degmada Doolow oo lagu kala baxay

Dagaalkii Degmada Doolow oo lagu kala baxay

by Laacib

Wararka laga helayo Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidanka Jubbaland ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmadaasi, ka dib dagaal culus oo maanta ay kula galeen Ciidamada Dowladda.

Dagaalka oo ka bilowday aagga Garoonka Diyaaradaha Doolow ayaa ku fiday bartamaha magaalada, iyadoo uuna dagaalku ahaa mid hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday.

Warar hadda soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dambeeyay, ka dib markii Ciidamada Dowladda ay isku dayeen inay ka hortaggaan diyaarad ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo ka timid Magaalada Kismaayo, kana soo degatay garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in intaasi ka dib uu dagaal ka dhex bilowday Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland, oo markaasi Garoonka Diyaaradaha Doolow u joogay inay soo dhaweeyaan masuuliyiintii halkaasi gaartay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Militariga Itoobiya ee fariisimaha ku leh garoonkaasi ay ka qayb qaateen dagaalka, tanina ay Jubbaland ka caawisay in ciidamadeeda ay markii dambe qabsadaan degmadaasi.

Militariga Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda, halka kuwii kalena ay dibadda uga baxeen magaalada.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ee ka dagaalamay degmadaasi ay isugu jiraan boolis iyo nabadsugid.

Ciidanka Jubbaland ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya degmadaasi, waana ciidan u badan kuwo ka amar-qaata Gudoomiyaha Degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdi (Lafey).

Wasiirka Amniga Jubbaland, Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo gelinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay Doolow ayaa sheegay in uu fashilmay isku dayga ay Ciidamada Dowladda ku doonayeen in ay ku qabsadaan degmadaasi. Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Jubbaland ay gacanta ku hayso amniga degmada, isla-markaana aysan amnigeeda cidina kala gorgortami doonin.

“Cid kasta oo isku daydo inay amniga qalqalgeliso waan iska celinaynaa. Ciddii nukliyeer ka dhacayo ama ayadu dhib la imaaneyso soo gal dagaalka.” Ayuu yiri Wasiir Dhuumaal.

Dhanka kale waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo dagaalku uu gaystay, inkastoo aysan dhinacyadu ka hadlin inta uu khasaaruhu le’egyahay.

Dadka deegaanku waxay sheegeen in xaaladda magaalada ay degan tahay, balse uu weli dhegahoodu ka guuxayo hubkii cuslaa ee dagaalka la isku adeegsaday.

Khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo gacan ka hadal isku bedelay ayaad arkaysaa in uu ka sii darayo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc