Shacabka Ingiriiska ayaa saaka u dareeray doorashada guud ee lagu soo dooranayo hoggaamiyaha cusub ee hoggaamin doona dalkaasi.
Goobaha codbixinta ayaa la furay 7-da subaxnimo, waxayna codeyntu socon doontaa illaa 10:00 caweysnimo.
Codbixiyeyaasha ayaa dooranaya 650-ka kursi ee Aqalka Baarlamaanka uu ka kooban yahay, iyagoo codkooda siinaya musharaxa ay door bidayaan.
Xisbigii ku guuleysta aqlabiyadda kuraasta Baarlamaanka ayaa soo dhisi doona xukuumadda cusub ee dalka maamuli doonta.
Xisbiga Muxaafadka UK ee Conservative-ka ayaa sanadkan tartan adag oo doorasho kala kulmaya Xisbiga Mucaaradka ee Labour-ka.
Xog uruurinta la sameeyay ayaa muujineysa inay suurtagal tahay in Xisbiga Conservative-ka uu lumiyo doorashadan, ka dib 14 sano oo dalka uu maamulayay.
Fallanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in doorashadan ay noqon doonto mid taariikhi ah, oo guul weyn uu ka soo hoyo Xisbiga Shaqaalaha.
Dadka kale ee odoroso siyaasadda Ingiriiska ayaa qaba in Raysal Wasaaraha xigga ee UK uu noqon karo Keir Starmer amaba inuu xafiiska dib ugu soo laabto Raysal Wasaare Rishi Sunak.
Xisbiga Conservative-ka oo uu hoggaamiyo Sunak iyo Keir Starmer oo hoggaamiya Xisbiga Shaqaalaha ayaa maalmihii ugu dambeysay waqtigooda ugu badan ku bixinayay farriimaha muhiimka ah ee ay ku soo jiidanayaan codbixiyeyaasha.
Natiijada doorashada ayaa soo bixi doonta Jimcaha, inkastoo dadku ay dhaqdhaqaaqa sida ay wax u socdaan, kala socon doonaan Warbaahinta dalkaasi.