Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntand, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa ku dhawaaqay in uu dhammaaday wejiga labaad ee hawlgalka ciribtirka Daacish, uuna bilaabanayo wejiga saddexaad ee hawlgalka lagu la dagaalamayo maleeshiyadaasi.
Madaxweynaha oo xalay jeediyay khudbad uu kula hadlayay shacabka ayaa sheegay in wejiga labaad ee hawlgalka uu ku soo dhammaaday deegaanka Dhasaan, oo sida uu sheegay ay Daacish ku lahayd xarun ay ka hoggaamiso Geeska Afrika iyo dhammaan hawlgaladeeda is qarxinta ee ay caalamka ka fuliso.
“Sida xogaha caalamiga ah iyo xiriirka dowladaha naga la shaqeynayay ay sheegeen Dhasaan, Dhadaar iyo Shebaab waxay ahaayeen meesha xarunta u ah ee lagu tababaro dadka loogu talagalay inay caalamka oo dhan ay ka argagaxiyaan ummadaha.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
“Waxay xoguhu sheegayaan dad hawlgalo ka sameeyay Waqooyiga America, Qaaradda Yurub iyo dalal kale oo Asia & Carabta ah inay saldhig u ahayd oo lagu tababaray halkan, madaxda howshaas qorsheyn jirtayna saldhigeedu uu ahaa halkan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo hadalkiisa ku xoojiyay “Sida duqayntii Mareykanka ee labada mar ahayd lagu caddeeyay warbixinta Mareykanka inay halkaa ku beegsadeen dadkii ka shaqayn jiray inay soo uruuriyaan dadka hawlgalada Mareykanka iyo Yurub ka gaysta.”
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegaya in Calmiskaad aysan keliya khatar ku ahayn Puntland, Somaliya iyo Afrika, balse ay tahay khatar caalami ah, isla-markaana in Daacish ay timaado ay u sahashay xaaladda amni ee dalka, deganaansho la’aanta ka jirta dalka Yemen iyo dagaalada ka soo cusboonaaday Geeska Afrika.
“Calmiskaad ma ahayn khatar Puntland oo keliya, ma ahayn khatar Soomaaliyeed oo keliya, ma ahayn khatar Qaaradda Afrika oo keliya ah, waxay ahayd khatar caalami ah oo runtii u sahashay fursadda dalkeenna uu ku jiro & dalka aan deriska nahay ee Yemen burburka ka jira iyo dagaalada ka soo cusboonaaday dhammaan Geeska Afrika inay helaan marino ay uga gudbaan dalalkaas, waxayna ku talagaleen meel aan ishu arkayn oo runtii istiraatiijigali adag, fursadna u haysatay Badweynta Hindiya, Badda Cadmeed iyo Badda Carbeed halkaas inay muddo ku uruurinayeen dhammaan dadka howlahaas maamula, sidoo kale dadka howlahaas fuliya.” Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Madaxweyne Deni ayaa iclaamiyay in Jimcahan oo ku beegan 28-ka February uu bilaabanayo wejiga saddexaad ee hawlgalka Daacish lagaga sifeynayo dalka.
“Hadafka waxaa weeye illaa la ciribtiro cid argagixiso ah oo Puntland dhaqdhaqaaq iyo xarumo ku leh, hawlgalo ka sameynaysa illaa laga dhameynayo wejiyadaas way socon doonaan.” Ayuu yiri Deni.
Ciidanka Difaaca Puntland ayaa 4-tii bishan bilaabay wejiga labaad ee hawlgalka, ka gadaal markii Madaxweynuhu uu 30-kii bishii January ku dhawaaqay in uu soo idlaaday wejigiisii koowaad.
Muddadii uu socday wejiga labaad, ciidamada ayaa xaqiijiyay guulihii ugu waaweynaa ee ay ka gaaraan hawlgalka la dagaalanka Daacish, iyagoo maleeshiyadaasi kaga saaray bartamaha Buuraleyda Calmiskaad, isla-markaana ay hadda ku ciriirinayaan qaybaha dambe ee Calmiskaad.
Puntland ayaa guluf weyn ku qaadday Daacishta Somaliya, iyadoo aan wax taageero iyo taakulo midna ka haysan Dowladda Federaalka, inkastoo Villa Somalia ay dib ka bogaadisay hawlgalkaasi.