Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa dhallinyaradan ku abaalmariyay gurmadkii ay u fidiyeen qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii 2-dii bishan ka dhacay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.
Dhallinyaradan oo saddex gaareysay ayaa xilli adag ku dhiiraday inay dhabarkooda ku soo qaadaan niman dhallinyaro ah oo dhulka yaala, ka dib markii ay dhaawacyo halis ah ka soo gaareen ismiidaamin lala eegtay dad kuraas ku fadhiyay oo ku caweynayay xeebta.
Muuqaalada dhallinyaradan gurmadka sameysay oo si weyn la isku la wadaagay barraha bulshada ayaa keentay in Dowladda Federaalka loogu baaqo inay abaalmariso dhallinyaradaasi.
Iyadoo Raysal Wasaare Xamse Cabdi uu ka jawaabayo baaqaasi ayuu xafiiskiisa ku qaabilay dhallinyaradaasi sameysay naf hurnimada.
Raysal Wasaaraha ayaa dhallintan ku ammaanay geesinimadooda, isagoona ku tilmaamay halyeeyo qaran oo tusaale u ah dhallinyarada Soomaaliyeed. Waxa uu sheegay in dowladdu ay mar walba garab taagan tahay dhallinyarada u taagan difaaca iyo badbaadinta bulshada, wuxuuna ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan dadaalkooda.
Raysal Wasaaraha ayaa dhallinyaradan ku abaalmariyay shaqaaleysiin iyo billado, si ay dhiirigelin ugu noqoto dhallinyarada Soomaaliyeed.
“Waxaad xilli adag muujiseen geesinimo iyo in aad caawisaan dhallinyaro walaalahiin ah oo xaalad adag ku jiray, idinka oo khatar u geliyay naftiina, dadkiinana u shaqeeyay. Runtii shaqada ay qabteen waxa soo jiidatay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, Xukuumadda DanQaran waxa ay idinku abaalmarineysaa geesinimadiina oo aad ku muteysateen billad iyo shaqaaleysiin.”Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa intaasi ku daray in dhallinyarada Soomaaliyeed ay yihiin laf dhabarta dalka, dowladduna ay gacan buuxda ku siinayso, sidii ay hormuud ugu noqon lahaayeen ummadda Soomaaliyeed.
Raysal Wasaare Barre ayaa waxaa kulankan ku wehlinayay Wasiirka Dhallinyarada & Ciyaaraha, Maxamed Barre Maxamuud.
Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 37 qof, iyadoo in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu kol horeba xaqiijiyay Wasiirka Caafimaadka Somaliya, Dr. Cali Aadan Xaaji.
Weerarka ayaa yimid, ka dib markii dabley hubeysani ay beegsadeen dhallinyaro ku caweyneysay Xeebta Liido, ka dibna ay xoog ku galeen Dhismaha Beach View oo halkaasi ku yaala.
Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Magaalada Muqdisho, tan iyo bishii October ee sanadkii 2022.