Home Wararka Maanta Dhaqdhaqaaqa ciidan ee Gobolka Galgaduud oo sii xoogeysanayo

Dhaqdhaqaaqa ciidan ee Gobolka Galgaduud oo sii xoogeysanayo

by Laacib

Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka bilowday dhaqdhaqaaq ciidan, kaas oo ujeedkiisu uu yahay in lagu xoreeyo Degmada Galcad iyo deegaanada hoostaga ee gobolkaasi.

Ciidamo isugu jira cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyaad la abaabulay ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii gaaray degmadaasi, ka dib markii ay habeen hore ka dhaqaaqeen Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa waxaa horkacayay saraakiil iyo siyaasiyiin uu ka mid yahay Xildhibaan Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Ciidamadan ayaa ka qayb qaadanaya wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ee maleeshiyada Al Shabaab lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug, gaar ahaan bariga iyo koonfurta Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada gaaray Ceeldheer ay si garbo siman ula hawlgali doonaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Ahlu Sunnada Gobolada Dhexe ee ku wajahan Degmada Ceelbuur.

Ciidamadan ayay tahay inay kubaareeyaan Shabaabka ku sugan Galcad iyo deegaanada ku dhow dhow, inta uu culeyska haysto Shabaabka Ceelbuur.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamo ka soo socdo Muqdisho ama Gobolka Shabellaha Dhexe ay iyana isu mari doonaan Cowsweyne illaa Degmada Galhareeri, iyagoo markaasi soo mari doona dhinaca Galcad.

Ciidamo kale oo ka iman doona Degmooyinka Maxaas iyo Guriceel ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa suurtagal ah in ay weeraraan deegaanka Wabxo oo 43km dhinaca waqooyi kaga beegan Ceelbuur.

Shabaabka ayaa Cowsweyne ku leh mid ka mid ah difaacyada ugu adag ee ay ka difaacayaan Ceelbuur iyo Galhareeri. Sidoo kale qabashada Wabxo ayaa fure u ah in ciidamadu ay gaaraan Ceelbuur.

Haddii ciidamadu ay xaqiijiyaan la wareegitaanka Cowsweyne iyo Wabxo ayaa waxaa cad in ay halis ku iman doonto joogitaanka Al Shabaab ee Ceelbuur iyo Galhareeri, waa haddii ay cagaha dhulka ku xajiyaan, dagaalkana ay sii wadaan.

Shabaabka ayaa Ceelbuur ku leh xaruntooda ugu weyn ee bartamaha dalka, waana magaalada ugu weyn ee ay ka haystaan Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo dhawaan gaaray Degmada Ceeldheer ayaa halkaasi u jooga hawlgal ballaaran oo la qorsheynayo in Al Shabaab lagaga saaro gobolkaasi.

Gobolada Shabellaha Dhexe, Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaq ciidan oo ka dhan ah Al Shabaab.

Diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ayaa ciidamada ka taageeri doona xagga hawada, muddada uu socdo hawgalkan.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa guluf weyn oo dagaal ku qaadaya Shabaabka Gobolada Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc