Axmed Daahir Macalin Cabdullaahi, Gudoomiyaha Bacaadweyne ee koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegay in ciidamadu ay Jimcihii la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya dadka deegaanka ay weerar xoogan ku qaadeen maleeshiyadii Al Shabaab ee muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa deegaankaasi.
“Wuxuu ahaa weerar loogu talagalay nimankii Khawaarijta ahaa ee meesha ku sugnaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in Shabaabku ay u carareen dhinaca dhulka hawdka ee Bacaadweyne.
“Inta badan markii meesha lagu weeraro, dhulku dhul hawd ah weeye, dhulkaa hawdka ah ayay u cararaan.” Ayuu yiri Axmed Daahir oo intaa raaciyay “Bacaadweyne iyo nawaaxigeeda, ciidanka ayaa hadda jooga.”
Axmed Daahir ayaa sheegaya in hawlgalkan uu qayb ka yahay hawlgalka dalka lagaga saarayo kooxaha argagixisada.
Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka Bacaadweyne, gaar ahaan waddada aadda Degmada Wisil.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xiisad ay ka jirto deegaanka Cammaara oo ku dhow Bacaadweyne. Cammaara waxay ka mid tahay deegaanada ay Shabaabku maamulaan.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa bishii September ee sanadkii 2023 la wareegay gacan ku haynta Cammaara iyo Bacaadweyne oo ood wadaag ah, ka dib dagaalo ay halkaasi kula galeen Al Shabaab.
Ciidamada ayaa billo ka dib soo banneeyay deegaanadaasi, ka gadaal markii uu si weyn hoos ugu dhacay dardartii uu ku socday wejigii koowaad ee hawlgalka, oo lagu xoreeyay inta badan deegaanadii ay Shabaabku ka maamulayeen Galmudug iyo Hirshabelle.