Home Wararka Caalamka Dhimashada weerarada Israel ee Lubnaan oo gaartay 274 qof

Dhimashada weerarada Israel ee Lubnaan oo gaartay 274 qof

by Laacib

Tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay duqaymihii Israel ay maanta ka gaysatay koonfurta iyo bariga dalka Lubnaan ayaa gaartay 274 qof, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Caafimaadka Lubnaan, Firass Abiad.

Wasiirka ayaa Warbaahinta u sheegay in 21 ka mid ah dadka ku dhintay duqaymaha ay carruur yihiin.

“Ugu yaraan 274 qof ayaa la dilay, oo ay ku jiraan 21 carruur ah.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray “1,024 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay duqaymaha.”

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in dhibaneyaasha kale ee ku dhintay duqaymihii maanta ay ku jiraan dumar iyo shaqaalaha caafimaadka.

Wasiirka ayaa Israel ku eedeysay in ay beegsatay isbitaalo, xarumo caafimaad iyo weliba ambalaasyo.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Ciidanka Cirka ay garaaceen 800 oo goobood oo Xisbullah ay ku leedahay dalkaasi.

Duqaymaha Israel ayaa baqdin ku abuuray bulshada ku nool magaalooyinka koonfureed ee dalkaasi, kuwaa oo bilaabay in ay u cararaan Caasimadda Beirut.

Wararka ayaa sheegaya in barakaca xooggiisu uu ka socdo Magaalada Tyre, taas oo ku dhow xuduudda.

Magaalo xeebeedka Tyre waxay ka mid tahay magaalooyinka ku yaala koonfurta Lubnaan ee ay sida fudud ku soo gaari karaan diyaaradaha dagaalka Israel.

Dowladda Lubnaan ayaa amartay in la xiro dugsiyada iyo jaamacadaha dalka, iyada oo bilowday inay diyaariso hoy dib u dejin loogu sameeyo shacabka ka soo barakacaya koonfurta.

Diyaaaradaha dagaalka Israel ayaa gelinkii dambe ee maanta xoojiyay duqaymaha ay ku hayaan Dooxada Bekaa ee bariga Lubnaan.

Militariga Israel ayaa soo saaray amar ay dadka rayidka ah ugu sheegayaan in ay muddo laba saac ah uga guuraan guryahooda.

Xoogaga Xisbullah ayaa dhankooda garaacaya deegaanada waqooyiga Israel ku yaala xuduudda iyo kuwa ka baxsanba, iyagoo ka jawaabaya dagaalka ay Israel ballaarisay.

Israel ayaan illaa iyo hadda wax war ah ka soo saarin waxyeelada ay gaysanayaan duqaymaha Xisbullah, inkastoo Xisbullah ay iyadu sheeganeyso inay burburisay qaar ka mid ah Saldhigyada Ciidamada Israel.

Labada dhinac waxaa muuqata inay ka gudbeen heerkii is xakameynta, si looga baaqsado isku dhac ballaaran oo gobolka oo dhan ah.

Dagaalkan wejiga kale yeeshay ayaan la aqoon waxa uu ku dambayn doono.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc