Dadweynahan oo ka carreysan duulaanka Israel ee Marinka Gaza oo dad fara-badan ay ku dhimanayaan ayaa gelinkii dambe ee Isniintii isugu soo baxay Magaalada Chicago, halkaas oo uu ka furmay Shirweynaha Xisbiga Dimoqraadiga.
Shirweynahan oo ay ka qaybgelayaan Madaxda Mareykanka, Madaxweyneyaal hore iyo kumanaan ka mid ah Ergada Xisbiga Dimoqraadiga ayaa socon doono afar maalmood, waxaana lagu xoojin doonnaa taageerada Kamala Harris, taas oo iyadu xisbiga ku meteli doonta doorashada madaxtinimada ee 5-ta bisha November ka dhaceysa dalkaasi.
Hoolka uu shirweynuhu ka socdo ayaa waxaa maalintiisii koowaad hareeyay mudaaraad ay shacabka Mareykanka ku diidan yihiin dhiigga dadka rayidka ee ku daadanaya Marinka Gaza, iyagoona dalbanaya in si degdeg ah loo soo afjaro duulaanka Israel ay ku hayso dhulka go’doonsan.
Daraasiin dibadbaxayaal ah ayaa jebiyay xeendaabka amniga ee u dhow goobta uu ka dhacayo shirweynaha, iyadoo ay kumanaan qof soo dhoobteen waddooyinka soo gala hoolka shirweynaha.
Ciidamada Booliska ee amniga sugaya ayaa ka hortagay dibadbaxayaal isku dayay inay xoog kaga soo gudbaan xeendaabka amni ee goobta. Inkastoo dibadbaxa uu ahaa mid nabdoon, haddana daraasiin dad ah oo ka jabay ayaa burburiyay qayb ka mid ah xayndaabkii 1aad ee deyrka amniga, taasoo keentay in ciidamadu ay u adeegsadaan sunta dadka kaga ilmeysiisa.
Booliska ayaa la arkayay iyagoo xirxiraya dadkii ay u suurtagashay inay ka soo gudbaan deyrka amniga. Qaar kale oo dibadbaxayaasha ka mid ah ayaa isku dayay inay ka gudbaan xeendaabka labaad ee amniga. Saraakiisha ayaa sheegay in xeendaabka amniga gudaha ee ku hareereysan goobta shirka aan la jebin.
Dadka faraha badan ee mudaaharaadka ka qayb qaadanaya ayaa socod ku yimid Xarunta United Center, oo ah halka uu shirku ka socdo, si ay Madaxda Mareykanka ugu muujiyaan, sida ay uga xun yihiin xasuuqa loo gaysanayo shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.
Dibadbaxayaasha ayaa si adag Maamulka Madaxweyne Joe Biden ugu cambaareeyay taageerada indha la’aanta ee Israel, waxayna sheegeen in canshuurtooda ay Israel ku leynayso shacab aan waxba galabsan.
Dadka u ololeeya qaddiyadda qaranimada Falastiin oo hoggaaminaya mudaaharaadkan ayaa ku hanjabay inay dibadbaxyadooda sii wadi doonaan.
Dhimashada iyo dhaawaca faraha badan ee dadka Gaza ayaa saamayn ku yeelatay shacabka Mareykanka, kuwaa oo maamulka ku cadaadinaya in la joojiyo taageerada militari iyo midda maaliyadeed ee Israel.
Weerarada aan kala sooca lahayn ee Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa si weyn u saameeyay dalka Mareykanka, waxayna noqonaysaa markii ugu horreysay oo waxyaabo ka dhacaya dibadda ay sidaan oo kale u saameeyaan gudaha Mareykanka.
Shacabka Mareykanka ayaa taageeradooda Kamala Harris, oo hadda ah Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka ku xiray, sida ay wax uga qabato dembiyada ay Israel gaysaneyso.
In ka badan 40,000 oo dad rayid ah ayay Ciidamada Israel ku dileen Marinka Gaza, halka in ka badan 92,000 oo kalena ay ku dhaawaceen, muddadii uu dagaalkan socday.
Mareykanka waa dalka taageerada ugu badan siiya Israel, ha yeeshee Israel ayaa lumisay taageeradii shacabka Mareykanka.