Dadweyne carreysan ayaa maanta bannaanax rabshado wata ka dhigay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.
Dadweynahan ayaa ka carreysan dhul 23-kii bishan la burburiyay oo ku yaala Ceelasha Biyaha, ka dib markii maxkamad ay u xukuntay qoyska Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Siyaad Barr, laguna wareejiyay 24-kii bishan.
Bannaanbaxayaasha ayaa xiray isu socodka waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, gaar ahaan inta u dhaxeyso Siinka Dheer iyo Lafoole, iyagoona taayaro ku gubay waddada.
Ciidamada Dowladda ayaa la arkayay, iyagoo rasaas ku furaya dibadbaxyaasha, si ay u kala eryaan. Ciidamada ayaana xoog ku furay isu socodka waddada hormarta Ceelasha Biyaha.
Goobjoogeyaasha ayaa sheegay inay arkayn dhaawacyada dhowr qof oo ku dhaawacmay rasaastii ay ciidamadu ku kala eryayeen dibadbaxyaasha.
Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka oo qaarkood markii dambe Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in dhulkooda si sharci darro ah loogu wareejiyo dad aan lahayn.
Odayaasha ayaa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay ka feejignaato dad ay sheegeen inay ka dhex shaqeynayaan, oo iska horkeenaya dadka deegaanka iyo maamulka, iyagoona ka dalbaday in dadkii la barakaciyay dib loogu soo celiyo goobihii ay deganaayeen.
Bannaanbaxayaasha ayaa ku goodiyay in dibadbaxyadooda ay sii wadi doonaan, haddii aysan Dowladda Federaalka soo fara-gelin barakacinta lagu sameeyay qoysaskii deganaa dhulka ku yaala Waaxda Jabadgeelle ee Ceelasha Biyaha.
Bannaanbixii maanta ka dhacay Ceelasha Biyaha ayaa waxaa ku xirmay goobihii waxbarashada iyo ganacsiga, waana bannaanbax ay dadku sheegeen inuu si isku mida u saameeyay bulshada deegaanka.
Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa mar sii horreysay sheegay in guryaha la burburiyay ay ahaayeen kuwo si sharci darro ah looga dhistay halkaasi, dhulkiina ay dib ugu wareejiyeen dadkii milkiyaddiisa lahaa.