Shacabka ku dhaqan Degmada Garasbaaley ee Gobolka Banaadir ayaa xalay qabtay nin ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, wax yar uun ka dib, markii uu dil ka gaystay degmadaasi.
Ninkan oo bastoolad ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay nin kale oo ku sugnaa degmadaasi, isaga oo markii dambena ku fashilmay isku daygii uu ku doonayay in uu meesha kaga baxsado.
Shacabkii ka ag-dhawaa goobta uu wax ku dilay oo eryaday ayay u suurtagashay in ay gacanta ku soo dhigaan.
Wararka ayaa sheegaya in dhallinta deegaanka ay si xun u jir dileen ninkaasi, laamaha amniguna ay goobta ka kaxeeyeen, isagoo wada dhiigaya.
Booliska Degmada Garasbaaley ayaa horey u qaaday meydka marxuumka, si baaritaan loogu sameeyo, inta aan qoyskiisa loo ogolaan inay aastaan.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in ninka la dilay uu ahaa askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kaas oo booqasho ugu yimid qoyskiisa oo halkaasi degan.
Hay’adaha ammaanka ayaa kuu sheegaya in gacan ku dhiigluhu uu ka tirsan yahay Amniyaadka Al Shabaab, balse ay bulshada u taqaano (Madax jebiska).
Amniyaadku waa xubnaha Al Shabaab u qaabilsan inay gaystaan dilalka qorsheysan ee gaadmada ah. Muqdisho ayaa la aaminsan yahay inay tahay goobta ugu badan ee ay Amniyaadku wax ku dhagreen.
Ninkan lagu qabtay Garasbaaley ayaa noqonayo kiisii saddexaad oo Shabaab ah, oo wax ka yar toban maalmood gudahood lagu qabto Caasimadda Muqdisho.
19-kii iyo 22-kii bishan ayaa sidaan oo kale laba nin oo bambo tuuri rabay loogu qabtay Degmooyinka Dayniile iyo Hodan.
Dad shacab ah oo dhaqdhaqaaqooda la socday ayaa ka hortegay, kuna guuleystay inay gacanta ku dhigaan, iyagoona ku simay laamaha amniga.
Dhiiranaanta markan ka muuqaneyso dadka reer Muqdisho ayaa ah farriin ka tarjumeysa in baraarug shacab uu jiro.