Home Dhacdooyin Dilkii ay Israel u gaysatay Aysenur Ezgi oo saamayn xoogan yeeshay

Dilkii ay Israel u gaysatay Aysenur Ezgi oo saamayn xoogan yeeshay

by Laacib

Shacabka Mareykanka ayaa bilaabay in ay dibadbaxyo ku cambaareeyaan dilkii Ciidamada Israel ay u gaysteen Aysenur Ezgi Eygi, oo ahayd gabar u dhalatay dalka Turkiga, sidoo kalena haysatay dhalashada Mareykanka.

Ciidamada Israel ayaa waxay Aysenur Ezgi Jimcihii ku dileen Magaalada Nablus ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Gabadhan ayaa noqonayso muwaadinkii saddexaad oo Mareykan ah, oo 11-kii bilood ee la soo dhaafay ay Ciidamada Israel ku dilaan Daanta Galbeed.

Maamulka Israel ayaa waxaan jirin cid ay u soo xireen dilka muwaadiniinta Mareykanka, sida uu xaqiijiyay Senator Chris Van Hollen oo ka tirsan Senatorada Mareykanka.

Dilka gabadhan ayaa abuuray carro xoog leh, iyadoo bulshada ku dhaqan Magaalada Washington ay noqdeen kuwoodii ugu horreyay ee sameeya bannaanbaxa lagu cambaareynayo dilkeeda.

Bannaanbaxayaasha ayaa Dowladda Mareykanka ka dalbaday in ay sameyso baaritaan madaxbannaan ah, si sharciga loo horkeeno askartii dishay.

Gabadhan ayaa dhawaan ka qalin jebisay Jaamacadda Washington, waxayna ku biirtay dadka u ololeeya qaddiyadda qaranimada Falastiin.

Xildhibaan Pramila Jayapal iyo Seneter-ka Mareykanka Maria Cantwell ayaa tacsi u diray qoyskii ay ka baxday iyo weliba ururada taageersan Falastiin ee ka soo horjeeda deegaameynta ay Israel ka waddo dhulka la haysto.

BBC ayaa sheegtay in Aysenur Ezgi la dilay, xilli ay ka qaybgaleysay bannaanbaxeedii ugu horreyay, oo ay soo qaban-qaabiyeen Dhaqdhaqaaqa Wadajirka Caalamiga ah, oo ah koox taageerta Falastiin.

Qoyskeeda ayaa Maamulka Madaxweyne Joe Biden ka codsaday in lala xisaabtamo gacan ku dhiigleyaasha.

Shacabka Mareykanka ee isu soo baxa ka dhigay Westlake Park ayaa dowladda ku booriyay in la joojiyo kaalmada militari ee la siiyo Israel iyo in lagu cadaadiyo joojinta dagaalka Gaza.

Aysenur Ezgi ayaa ka mid noqotay dadka u dhaqdhaqaaqa xaqa iyo xuquuqda ay shacabka Falastiiniyiinta u leeyihiin inay yeeshaan dowlad xubin rasmi ah ka ah Qaramada Midoobey, iyada oo Israel culeys lagu saarayo in ay aqbasho dowlad ka barbar dhalata, si ku dhawaad hal qarni ka dib xal loogu helo colaadda ku soo noqnoqotay Bariga Dhexe. Colaadda gobolka iyo xiisadda aadka u sareyso ee mar walba ka jirta Bariga Dhexe ayaa salka ku haysa arrinta qaddiyadda Falastiiniyiinta.

Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in la sameeyo baaritaan madaxbannaan, sababo la xiriira xafiiska oo aan ku kalsooneyn baaritaanada Israel, oo aalaaba ku soo dhammaada natiijo la’aan iyo in qiil loo yeelo askarta dilalka gaysaneysa.

Qaramada Midoobey waxay caddeysay in Ciidamada Israel ay dileen gabadhaasi, iyadoo qayb ka ahayd mudaaharaad nabadeed oo looga soo horjeedo dhulka la haysto iyo deegaameynta cusub ee ay Israel ka sameynayso Daanta Galbeed.

Senator Chris Van Hollen ayaa ku baaqay caddaalad iyo isla xisaabtan, si dhiigga muwaadiniintooda aanu u noqon mid meel cidlo ah ku daata.

“Haddii Xukuumadda Netanyahu aysan caddaalad u raadinin, waa in Waaxda Caddaaladda Mareykanka ay iyadu caddaalad u raadisaa.” Ayuu yiri Senator-ka.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa Isniintii ugu yeeray Israel in ay dhameystirto baaritaanka, ayna soo bandhigto natiijada

Afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in Israel ay bilowday baaritaankaas.

“Waxaan fahamsanahay in Israel ay si degdeg ah u waddo baaritaanka, waxaana la filayaa inay soo bandhigto natiijada, maalmaha soo socdo.” Ayuu yiri Kirby.

Mareykanka ayaa lagu dhalleeceeyaa in aanu Israel kula xisaabtamin dilalka ay Israeliyiinta u gaystaan muwaadiniintiisa, si ka duwan caddaalad u raadinta muwaadiniintiisa kale ee lagu dilo dalalka kale ee caalamka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc