Home Dhacdooyin Diyaarad rakaab sidday oo ku burburtay dalka Kazakhstan (SAWIRRO)

Diyaarad rakaab sidday oo ku burburtay dalka Kazakhstan (SAWIRRO)

by Laacib

Diyaaraddan oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Azerbaijan Airlines ayaa Arbacadan ku burburtay dalka Kazakhstan, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta dalkaasi.

Diyaaradda oo ka ambabaxday Caasimadda Azerbaijan ee Baku ayaa ku sii jeeday Magaalada Grozny ee dalkaasi Ruushka.

Diyaaradda oo ay la socdeen 62 rakaab iyo shan shaqaale ah ayaa la sheegay inuu dab qabsaday, xilli ay isku dayeysay in ay si degdeg ah ugu degato Magaalada Aktau ee dalkaasi Kazakhstan.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in diyaaradda laga weeciyay dhabihii ay ku socotay, ceeryaamo jirtay awgeed, isla-markaana ay diyaaradda la soo deristay xaalad degdeg ah, iyadoona u baahatay inay fariisato Aktau.

Raysal Wasaare Kuxigeenka Kazakhstan, Kanat Bozumbayev ayaa sheegay in 38 qof ay ku dhinteen shilkaasi, 29 kalena lagu guuleystay in la soo badbaadiyo.

Wasaaradda Xaaladaha Degdegga ee Kazakhstan ayaa sheegtay in burburka ka dib ay 52 ka mid ah shaqaalaheeda ay u dirtay goobta ay ku dhacday diyaaradda.

Rakaabka ayaa u badnaa muwaadiniin u dhashay Azerbaijan, waxaana safarka ku wehlinayay muwaadiniin kale oo u dhashay dalalka Ruushka, Kazakhstan iyo Kyrgyzstan.

Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev ayaa soo gaabiyay booqasho uu ku joogay dalka Ruushka, waxaana uu sheegay in la sameeyay guddi baaritaan ku sameeya sababihii ka dambeeyay burburka diyaaradda.

Madaxweyne Aliyev ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in 26-ka bishan uu qaranku u asteeyay inay noqoto maalin baroordiiq ah oo dalka oo dhan ah.

Madaxweynaha Kazakhstan, Kassym-Jomart Tokayev ayaa dhankiisa amar ku bixiyay in la baaro shilkan, isagoona Raysal Wasaare Kuxigeenka dalkaasi ka dalbaday in uu hoggaamiyo baaritaanka.

Warbaahinta Ruushka ayaa sheegtay in diyaaraddu ay awoodi weyday inay ka caga-dhigato Grozny, sababo la xiriira weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.

Warbaahinta ayaa ku warantay in duuliyaha uu duulimaadkii u weeciyay Magaalada Makhachkala ee Ruushka, laakiin waxaa ka hor istaagay ceeryaamo, isagoo ugu dambayntii codsaday inuu ku dego Aktau.

Ukraine oo dagaalka kula jirta Ruushka ayaan ka hadlin eedeymahaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc