Home Wararka Caalamka Diyaaradaha dagaalka Israel oo beegsaday xarumaha hubka kiimikada ee Suuriya

Diyaaradaha dagaalka Israel oo beegsaday xarumaha hubka kiimikada ee Suuriya

by Laacib

Ciidanka Cirka Israel ayaa xalay garaacay xarumaha hubka kiimikada ee galbeedka Suuriya, sida uu baahiyay TV-ga Channel 12 ee Israel.

Channel 12 ayaa sheegay in duqaymahan looga gol leeyahay in laga hortago in hubka kiimikada uu ku dhaco gacanta kooxaha kacdoonka ka wada dalkaasi.

Jabhadaha ayaa maalmo yar gudahood hub fara-badan kala wareegay Ciidamada Dowladda Suuriya, waxayna dagaalkan ku qabsadeen Magaalooyinka Idlib, Aleppo, Hama iyo Homs oo hadda ay qarka u saaran yihiin.

Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in Tel Aviv ay isha ku hayso waxa ka socdo dalkaasi, isla-markaana ay ka walaacsan tahay in mucaaradka ay gacanta ku dhigaan hubka khatarta badan ee dowladda dalkaasi haysato.

Warbaahinta maxaliga ayaa sidoo kale qoreysa in Tel Aviv ay ka cabsi qabto in dagaalada sii xumaanaya ee Suuriya ay saamayn ku yeeshaan ammaankeeda.

Dhanka kale Taliska Militariga Israel ayaa Jimcihii sheegay in ay xoojiyeen ciidamadooda ku sugan xadka ay la leeyihiin Suuriya, si taxadar badan loo muujiyo.

Taliska ayaa sidoo kale xaqiijiyay in diyaaradahooda dagaalka ay isla shalay duqeeyeen goobo ku dhow xuduudda Suuriya iyo Lubnaan, halkaas oo sida ay sheegeen uu cadowgu hub uga gudbo.

Taliska ayaa bayaan ku sheegay in weerarka lagu beegsaday Unugga 4400, oo ah unug Xisbullah oo ka shaqeeya gudbinta hubka lagu dhibaateeyo bay yiraahdeen shacabka iyo askarta Israel.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Israel ay ka mid tahay dalalka sida dadban u taageeraya kacdoonka xoogan ee lagaga soo horjeedo Dowladda Bashar Al Assad, oo xulafo la ah Iran iyo Xisbullah oo si weyn ay isku hayaan.

Israel ayaa marar badan Suuriya ku eedeysay inay tahay marinka ay Iran hubka u soo mariso Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc