Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in markii ugu horreysay gobolkaasi lagu arkay diyaaradaha drones-ka, nooca yaryar ee is qarxiya oo loo adeegsanayo goobo ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al Shabaab.
Gobolka ayaa waxaa ka socdo hawlgal dhul iyo cirba leh oo lagu beegsanayo maleeshiyada soo hujuumtay deegaanadii xorta ahaa ee horey looga saaray.
Wararka ayaa sheegaya in Isniintii si xun loo garaacay maleeshiyada ku sugan duleedka iyo gudaha Degmada Ceelbaraf.
Drones-ka yaryar oo ah kuwo miineysan ayaa la arkayay iyagoo duulaya, isla-markaana ku dul dhacaya goobaha qaar ee lagu bartilmaameedsaday Shabaabka Ceelbaraf.
Dhowr xabo oo diyaarado ah ayaa sidoo kale la sheegay inay ku dhaceen goobo ganacsi oo ku yaala degmadaasi. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dukaamo, bakhaaro iyo weliba guryo ay ku gubteen duqaynta halkaasi ka dhacday.
Shabaabka ayaa 20-kii bishii February bilaabay weeraro ay ku carqaladeynayaan wejiga labaad ee hawlgalka ka bilowday deegaanada Hirshabelle, iyagoona February 20-keedii bilaa dagaal kula wareegay Ceelbaraf, ka dib weeraro ay ku ekeeyeen Alkowsar, Ceel Cali Axmed, Daaru-nimca, Cali Fooldheere iyo Miirtaqwa.
Shabaabka oo ku mintidaya, sidii ay u sii haysan lahaayeen Ceelbaraf ayaa marar badan hawada laga garaacay, oo ay ugu dambeysay duqayntii shalay oo saacado xiriir ah socotay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in sidoo kale la duqeeyay maleeshiyaad Shabaab ah, oo sida la sheegay lagu arkay deegaano u dhaxeeyo Degmooyinka Aadan Yabaal iyo Alkowsar.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xitaa diyaaradahan loo adeegsaday hawlgalka hawada ee Axaddii lagu beegsaday xubno ka mid ah Shabaabkii soo weeraray deegaanka Biyacadde oo qiyaastii 40km jihada bari kaga beegan Magaalada Jowhar.
Diyaaradahan oo ah wax ku cusub deegaanada Hirshabelle ayaa loo maleynaya in ay iska leedahay Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), oo iyadu Talisyada Kumaandooska Gorgor, Danab iyo saaxiibada caalamiga ah kala shaqeysa duqaymaha ka dhanka ah Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.
NISA weli ma xaqiijin in ay haysato drones-ka miineysan ee hadafyada militari iyo wax burburinta loo adeegsado.