Home Wararka Caalamka Diyaaradaha Israel oo duqeeyay Isbitaalka Al-Wafaa ee bartamaha Gaza

Diyaaradaha Israel oo duqeeyay Isbitaalka Al-Wafaa ee bartamaha Gaza

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa maanta weerar xagga cirka ah ku qaaday Isbitaalka Al-Wafaa ee bartamaha Marinka Gaza.

Duqaynta ayaa saameysay qaybaha sare ee isbitaalkaasi, waxaana jira dad ku dhintay iyo kuwo kale oo ku dhaawacmay.

Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa xaqiijisay in weerarka xagga cirka ah ay ku dhinteen toddobo qof, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Militariga Israel ayaa sheegay in ay si sax ah u bartilmaameedsadeen dabaqa sare ee isbitaalka, halkaasoo ay sheegeen inay talis u ahayd Xoogaga Ururka Xamaas.

“Dhismahan ayaa horey u ahaan jiray Isbitaalka Al-Wafaa, oo hadda aan u shaqeyneyn sidii isbitaal.” Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen Militariga Israel.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa beenisay warka Militariga Israel, iyadoona sheegtay in isbitaalku uu shaqeynayay.

Weerarka ayaa imanaya maalin uun ka dib, markii Ciidamada Israel ay gubeen Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Marinka Gaza.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo cambaareysay weerarka Isbitaalka Kamal Adwan ayaa sheegtay in weerarku uu isbitaalkaasi ka dhigay mid aan shaqeyneyn, isla-markaana ay Ciidamada Israel si khasab ah uga saareen shaqaalihii iyo bukaankii lagu daweynayay.

Ciidamada Israel ayaa xiray Agaasimihii Isbitaalka Kamal Adwan, Hussam Abu Safiya saacado uun ka dib, markii uu si adag uga hadlay hawlgalka ay ku beegsadeen isbitaalkiisa, waxaana ka sii horreyay qaar ka mid ah shaqaalihii caafimaadka oo ay xabsiga u taxaabeen.

Militariga Israel ayaa mar dambe sheegay in Hussam Abu Safiya ay uga shakisan yihiin in uu ka tirsan yahay Xamaas.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc