Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa Isniintan gantaal ku dhuftay gaari ay dad shacab ah la socdeen, oo marayay aagga deegaanka Al-Mawasi ee koonfurta Marinka Gaza.
Dadkan oo barakacayaal lagu sheegay ayaa ku sii jeeday xerada dadka barakacayaasha degan yihiin ee deegaankaasil.
Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa sheegtay in gantaalka uu burbur u gaystay gaarigaasi, isla-markaana ay shaqaalahooda goobta ka qaadeen meydadka laba qof iyo dhaawaca laba kale.
Sidoo kale diyaarad dagaal ayaa gantaal kale ku dhufatay gaari ay wateen Shaqaalaha Rayidka ee gargaarka bani’aadantinimo gaarsiinaya meelaha la cayiman ee koonfurta Gaza.
Hay’adda Difaaca Madaniga ayaa sheegtay in laba qof lagu dilay weerarkan oo ka dhacay isla deegaanka Al-Mawasi.
Weeraradan ayaa imanaya saacado ka dib weerarkii toddobada qof ku dhinteen ee ay Israel saqdii dhexe ee xalay ku qaadday teendhooyinka qoysaska barakacayaasha degan yihiin ee Al-Mawasi.
Israel ayaa horey Al-Mawasi oo ku taala inta u dhaxeyso Khan Yunis iyo Rafah ugu asteysay aag bani’aadantinimo, waxayna shacabka ku boorisay inay halkaasi taggaan.
Waxaa la yaab leh in Israel ay shacabka ku nabadgelin la’dahay deegaanka keliya ee Gaza ku yaala ee ay u tixgelisay aag bani’aadantinimo, inkastoo ay Qaramada Midoobey sheegtay inaanu jirin deegaan haray oo nabdoon oo ku yaala Marinka Gaza.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa marar kala duwan garaacay teendhooyinka barakayaasha ee Al-Mawasi, iyadoona weerarada lagu hayo Al-Mawasi ay soo noqnoqdeen billihii la soo dhaafay, tan iyo markii bartamihii sanadkan ay Israel shacabka ku wargelisay inay halkaasi gabaad ka dhigtaan.
Bishii July 13-keedii, duqayn ay Israel ka gaysatay deegaankaasi ayaa waxaa ku dhintay 90 qof oo shacab ahaa. 10-kii bishii September ayay 40 qof oo kale ku dishay deegaankaasi. Sidoo kale dhacdooyin kale oo dad rayid ah ay ku dishay ayaa ka dhacay Al-Mawasi.
Shacabka ayaan wax badbaado ah ku haysanin teendhooyinka iyo guryaha cooshadaha ka sameysan, ka dib markii intooda badan laga soo barakaciyay guryahooda iyo Xarumihii Qaramada Midoobey ee ay gabaadsanayeen.
Xaaladdu waxay muujineysaa, sida qoysaska u badan hooyooyinka iyo dhallaanka ay baylahda ugu yihin weerarada aan kala sooca lahayn ee Israel.