Home Wararka Caalamka Diyaaradaha Israel oo garaacay xarumo maaliyadeed oo ku yaala Beirut

Diyaaradaha Israel oo garaacay xarumo maaliyadeed oo ku yaala Beirut

by Laacib

Ciidanka Cirka Israel ayaa u muuqdo kuwo kordhinaya weerarada ay ka fulinayaan Magaalada Beirut, ka dib markii Militariga Israel ay ku dhawaaqeen hawlgal lagu bartilmaameedsanayo xarumaha maaliyadda ee Ururka Xisbullah.

Militariga Israel ayaa sheegay inay meel kasta oo dalka ka mid ah ay ku beegsanaayan xarumaha maaliyadeed ee lala xiriiriyo Xisbullah, iyadoona dadka rayidka ah la faray inay isaga fogaadaan xarumahaasi.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa xalay duqayn culus ka gaystay qaybaha koonfureed ee Magaalada Beirut, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israel ay garaaceen dhowr goobood oo ku yaala dalkaasi, oo ay ku jiraan xarumaha hay’adaha maaliyadda ee Xisbullah ee Qard Al-Hassan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in gantaalaha qaarkood ay ku dhaceen meelo aan sidaasi uga fogeyn Garoonka Diyaaradaha Rafic Hariri ee Caasimadda Beirut.

Dadka reer Beirut ayaa sheegaya in duqaynta xoogeeda ay ka dhacday xaafadda Dahieh, oo ah meel ay ku badan yihiin Xoogaga Xisbullah, isla-markaana ay gacanta ku hayaan.

Dahieh ayaa ah xaafad ay dadku ku badan yihiin, isla-markaana ay ka hawlgalaan xisbiyada kale ee siyaasadda, waana xaafad dadka ku nool aysan wada taageersaneyn Xisbullah, inkastoo ay Xisbullah tahay tan ugu saamaynta badan ee xaafaddaasi.

Dhanka kale Militariga Israel ayaa war ay soo saareen ku sheegay inay beegsadeen dhismayaal maaliyadeed oo u adeega danaha Ururka Xisbullah.

Waxay sheegeen in ay bartilmaameed yihiin hay’adaha maaliyadeed ee taabacsan Xisbullah, oo loo arko mid ka saamayn badan dowladda dalkaasi.

Wakaaladda Wararka Lubnaan ee NNA ayaa ku warantay in la duqeeyay ugu yaraan saddex laamood oo ka tirsan Qard Al-Hassan, oo Israel ay ku eedeysay inay maalgeliso Xisbullah.

Wakaaladda Wararka NNA ayaa sheegtay in dadka deegaanka ay bilaabeen inay isaga guuraan xaafadda Hermel, ka dib marki la weeraray mid ka mid ah xarumaha halkaasi ku yaala.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaan weli ka warbixin khasaaraha ka dhashay duqaymihii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalkaasi.

Wasaaradda ayaase cusbooneysiintii ugu dambeysay ee xalay la daabacay ku sheegtay in tirada dadka ku dhintay duqaymaha Israel ay gaartay 2,464 qof, 11,530 kalena ay ku dhaawacmeen.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc