Home Dhacdooyin Diyaaradaha Turkiga oo garaacis ku haya maleeshiyada Al Shabaab

Diyaaradaha Turkiga oo garaacis ku haya maleeshiyada Al Shabaab

by Laacib

Dowladda Turkiga ayaa ka qayb qaadaneysa weerarada xagga cirka ah ee ka socdo Gobolka Shabellaha Dhexe ee lagu taageerayo hawlgalka dhinaca dhulka ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka kula dagaalamayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Turkiga ayaa ka jawaabaya codsi dhawaan uga yimid Madaxda Qaranka, oo ahaa in la kordhiyo duqaymaha lagu hayo maleeshiyada Al Shabaab, inta deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug ay ka socdaan hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, gaar ahaan in diyaaradahooda dagaalka ay haatan ka hawlgalaan Gobolka Shabellaha Dhexe oo dib-u-dhac weyn kala kulmay culeyska aan horey loo arag ay Shabaabku soo saareen dhowrkii toddobaad ee u dambeeyay.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Turkiga ee dalka ka hawlgala ay maalmahaanba hawlgalka hawada ah ka fulinayeen gobolkaasi, iyagoo adeegsanaya diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2.

Saraakiisha Turkiga ee degan Saldhigga Turksom ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa la sheegaya in ay duqaynayaan goobaha uu Militariga Somaliya weydiisto in la garaaco.

Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Turkigu uu tababaro ayaa Taliska Turksom kala shaqeynaya bartilmaameedyada ka dhanka ah Al Shabaab.

8-dii cisho ee ugu dambeysay, duqaymaha laga fuliyay Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa noqoneyso duqayntii ugu weyneyd ee Shabaabka loogu gaysto gobolkaasi, maalmo yar gudahood.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqaymaha ay sheeganayaan Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Militariga Somaliya ay gaysanayaan diyaaradaha Turkiga, inkastoo horaantii bishan ay soo shaac-baxday in NISA ay haysato diyaaradaha drones-ka, nooca yaryar ee is qarxiya oo weeraro looga gaystay Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Turkiga ayaa Mareykanka kaga duwan waa inaanu aalaaba sheegan bartilmaameedyada ay ka fuliyaan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

Turkiga ayaa mar kasta Somaliya u muujiya is garabtaag dhab ah, waana xilli xiriirka labada dal uu aad u xoogeysanayay dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay.

Somaliya iyo Turkiga ayaa 8-dii bishii February ee sanadkii 2024 kala saxiixday heshiis la xiriira iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha, kaas oo soconaya muddo 10 sano ah.

Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ay maanta Somaliya leedahay. Ankara ayaa dowladda uu fadhigeedu yahay Muqdisho ka caawisa dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo qalabeyntooda, iyadoona sidoo kale ka taageerto dhinacyada amniga, xoojinta dowladnimada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc