Home Wararka Maanta Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya oo ku heshiiyay in wada hadalada la sii wado

Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya oo ku heshiiyay in wada hadalada la sii wado

by Laacib

Dowladaha Somaliya iyo Itoobiya ayaa Isniintii ku heshiiyay in la sii wado wada hadalada uu Turkigu ku dhexdhexaadinayo labada dal, si loo dhameeyo khilaafka labada dal ee ka dhashay heshiiskii is afgaradka ahaa ee Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ay 1-dii bishii January ku gaareen Magaalada Addis Ababa, kaas oo Itoobiya u ogolanayay in laga kireeyo 20km oo marin badeed ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa xalay ku dhawaaqay in labada dowladood ay ku heeshiiyeen in wareeg kale oo wada hadal ay 2-da bisha September ku yeeshaan Magaalada Ankara.

Wasiirka ayaa Warbaahinta u sheegay in Turkigu uu door fududeen ah ka qaadan doono wada hadalada, ka dib kulamo gaar gaar ah oo Caasimadda Ankara uu kula yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Macalin Fiqi iyo Itoobiya Taye Atske Selassie.

Qoraal wadajir ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ka dib shirkaasi jaraa’id ayaa lagu sheegay in Wasiirada Arrimaha Dibadda Somaliya iyo Itoobiya ay ku heshiiyeen in wada hadalada la sii wado, si nabad ahna lagu dhameeyo khilaafka.

Turkiga ayaa horey u taageeray madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliya, ka dib markii khilaafka Somaliya iyo Itoobiya uu gaaray meeshii ugu sarreysay.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa 15-kii bishii February sheegay in dalkiisu uu difaaci doono madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya.

Turkiga ayaa 23-kii bishii April markab dagaal u soo diray Somaliya, kaas oo horudhac u ahaa dhaqangelinta heshiiskii iskaashiga difaaca iyo dhaqaalaha ee ay 8-dii bishii February gaareen Dowladaha Somaliya iyo Turkiga.

Turkiga ayaa Somaliya ku leh saldhigga ugu weyn ee militari ee uu ku leeyahay meel ka baxsan xuduudihiisa, sidoo kalena waxa uu xiriir dhow la leeyahay Itoobiya.

Turkiga ayaa is garabtaag u muujiyay Xukuumadda Raysal Wasaare Abiy Ahmed, intii Ciidamada Militariga Itoobiya ay dagaalka adag kula jireen Jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF.

Ankara ayaa sanadkii 2021 Addis Ababa ka iibisay 12 ka mid ah diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn, kuwaa oo gacan ka gaystay in la xakameeyo, lagana hortaggo in TPLF ay isku fidiso dalka intiisa kale.

Turkigu waa dal weyn oo ka tirsan Gaashaanbuurta NATO, waana dal saamayn ku leh dunida, macnana u leh qorsheyaasha istiraatiijiyadeed ee diblomaasiyadda, xiriirka ganacsiga iyo amniga.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc