Dowladda Federaalka oo il gooniya ku eegeysa xaaladda Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waddo dadaalada ay ku xaqiijineyso amniga degmadaasi iyo deegaanada hoostagaba.
Afgooye oo muhiim u ah amniga Magaalada Muqdisho ayaa waxaa toddobaadyo ka hor deegaanada ku teedsan soo galay kooxo abaabulan oo ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab, kuwaas oo isku dayaya in ay qalqal amni ka sameeyaan degmadaasi.
Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa Axaddii gaaray Gobolka Shabellaha Hoose, si uu taageero ugu muujiyo ciidamada dagaalka kula jira Al Shabaab.
Raysal Wasaaraha ayaa gobolkaasi u tegay, sidii Shabaabka kooxo kooxaha u socda looga fogeyn Afgooye iyo deegaanada ku dhow dhow, iyadoo meesha laga saarayo culeyska ay ku hayaan.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Dowladda Federaalka ay abaabul ka waddo degmadaasi, si ciidamadu ay u xaqiijiyaan amniga degmadaasi iyo deegaanada ku teedsanba.
Dowladda ayaa toddobaadkii hore ciidamo cusub gaysay degmadaasi, waxayna gudaha Afgooye ku abaabuleysaa ciidamo cusub oo deegaanka ah, oo lagu xoojinayo ciidamadii amniga ee horey uga hawlgalayay.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay odayaasha iyo waxgaradka reer Afgooye ka wada shaqeynayaan, sidii ay degmada u yeelan lahayd ciidan madani ah, oo gacan ka gaysta howlaha sugidda amniga, isla-markaana ay ula dagaalamaan Shabaabka guur-guura ee mararka qaarkood yimaada duleedyada Afgooye, sida dhacdayba toddobaadyadii la soo dhaafay.
Shabaabka oo culeys uu ka haysto hawlgalka la karkarinayo ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa isku dayaya in ay furin kale dowladda kaga furaan Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidamada ay dowladdu dhawaan gaysay gobolkaasi oo ay ku jiraan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku daadsan beeraha darafyada kaga yaala Degmada Afgooye.
Afgooye ayaa 30km dhanka koonfureed kaga beegan Caasimadda Muqdisho, waxayna ka mid ah goobaha laga ilaaliyo amniga Muqdisho.