Ciidamadan ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhaqaaqay Magaalada Muqdisho, iyagoona ku wajahan jiidaha hore ee deegaanada Galmudug.
Ciidamada ayaa isugu jira cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyaad u badan kuwo deegaan ahaan ka soo jeeda Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamadan ayaa la filayaa in ay gaaraan Degmada Ceeldheer, ka hor inta aanay ka hawlgalin goobaha uu qorshuhu yahay inay ka saaraan maleeshiyada Al Shabaab.
Waxay wataan tobanaan gaadiidka dagaalka ah, waxayna ku hubeysan yihiin hubka noocyadiisa kala duwan. Saraakiil iyo siyaasiyiin deegaanka ah ayaa horkacaya ciidamadaasi.
Toddobaadyadii u dambeeyay ayaa lagu abaabulayay Magaalada Muqdisho, si ay uga qayb qaataan wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.
Labada maamul ee Galmudug iyo Hirshabelle ayaa waxaa ka socdo dhaqdhaqaaq ciidan, oo ay tahay in Shabaabka lagaga saaro dhulka ay ka haystaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa riixaya gulufka dagaal ee lagu burburiyo awoodda militari ee Al Shabaab.