Laga bilaabo maanta, dhowr duulimaad oo ciidamo sida ayaa dhowrka cisho ee ina soo aaddan tagi doona deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose.
Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii Dowladda Federaalka iyo Shirkadaha Diyaaradaha ay Jimcihii isku afgarteen in maalin kasta afar duulimaad oo ciidamo iyo qalab sida ay tagaan Raaskambooni.
Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in illaa 20 duulimaad ay maalmaha ina soo aaddan ka deggaan Garoonka Diyaaradaha Raaskambooni, iyadoo la kordhinayo tirada ciidamada ee halkaasi ka jooga.
Dowladda ayaa shalay hakisay duulimaadyadii Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, ka gadaal markii shirkaduhu ay cago-jiid ka muujiyeen inay duulimaadyo u diraan Raaskambooni, tani oo keentay in rakaabkii ka ambabixi lahaa Muqdisho ee ku wajahnaa gobolada ay dib ugu laabtaan guryahooda.
Wararka ayaa sheegaya in shirkadaha ay khasab ku noqotay in Dowladda Federaalka laga caawiyo, sidii ciidamada iyo qalabkaba lagu gayn lahaa Jubbaland, waana xilli Maamulka Jubbaland uu shirkadahaasi ku wargeliyay inaysan tagi karin Raaskambooni, haddii kalena aanu maamulka ka masuul noqon doonin, wixii cawaaqib ah ee arrintaasi ka dhasha.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamo ay Jubbaland gaysay aagga Raaskambooni ay bilaabeen inay rasaas ku furaan diyaaradaha ka degaya garoonka, si loo carqaladeeyo ciidamada halkaasi lagu daabulayo.
Taliyaha Guutada 18aad ee Kumaandooska Gorgor, G/dhexe Xasan Aadan Maxamed (Xasan Ciraaqi) ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ee lagu daldalayo Raaskambooni ay qaban doonaan deegaanada ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sugan yihiin gobolkaasi.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamadu ay sidoo kale la wareegayaan goobaha ay ka baxeen Militariga Kenya ee qaybta ka ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.
Villa Somalia oo khilaaf xoogan uu kala dhaxeeyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa sii waddo cadaadiska ay ku hayso maamulka uu Madaxweynuhu ka yahay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Villa Somalia ayaa si weyn uga hortimid dib u doorashadii Axmed Madoobe, kaas oo 25-kii bishii November markii saddexaad loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Jubbaland. Dowladda Federaalka ayaa doorashadaasi ku tilmaamtay mid sharci darro ah, iyadoona Axmed Madoobe ugu yeertay hoggaamiye hore.
Khilaafka labada dhinac ayaa soo ifbaxay isbuucii koowaad ee bishii October, ka dib markii Axmed Madoobe uu ka baxay Shirkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Magaalada Muqdisho. Waxaa la sheegay in uu qaadacay in la mideeyo Doorashooyinka Deegaanka, Baarlamaanka iyo tan Madaxda Dowlad Goboleedyada, iyadoo markaasi ay Villa Somalia soo magacaabeyso guddi doorasho oo maamula Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba.
Khilaafka ayaana meel adag gaaray, markii Jubbaland ay bilowgii bishii November ku adkeysatay inay aadeyso doorasho dadban oo ay u madaxbannaan tahay, taasoo toddobaadyo ka dibna lagu soo doortay 75-ka xubnood ee Baarlamaanka iyo Hoggaanka Jubbaland.
Xukuumadda Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegtay in doorashadaasi ay liddi ku tahay qorshihii dalka loogu jiheynayay doorasho qof iyo cod ah, si shacabka ay u soo doortaan hoggaamiyeyaashii meteli lahaa.