Home Wararka Maanta Dowladda Federaalka oo sheegtay in la laayay horjoogeyaal dhaawacyadooda lala cararay

Dowladda Federaalka oo sheegtay in la laayay horjoogeyaal dhaawacyadooda lala cararay

by Laacib

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya ayaa xalay sheegtay in duqayn labaad lala beegsaday horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab, oo ku dhaawacmay duqayntii shalay galab ka dhacday deegaanka Ceelbacad ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Abuukar Macalin Maxamuud ayaa marka hore sheegay in duqayntaasi lagu dilay Yuusuf Dhegnaas, oo sida uu sheegay ka mid ahaa horjoogeyaasha maleeshiyada Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in Yuusuf Dhegnaas uu ahaa dhagarqabihii ugu weynaa ee Shabaabka gobolkaasi, marka laga soo tago sida uu yiri Kaba Kutukade, oo uu uga la jeedo Yuusuf Ciise (Kaba Kutukade), Gudoomiyaha Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

“Ninka lagu magacaabo Yuusuf Dhegnaas wuxuu ahaa nin argagixiso ah oo shacabka Soomaaliyeed dhibaateeyay, gaar ahaan dadka ku nool Ruunirgood, Caddaan Laxey, Cadcaddey, Ceelbacad iyo dhammaanba shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Shabellaha Dhexe ayuu dhibaato ku ahaa. Ninkaas isagoo ku sugan Ceelbacad ayay duqayn ku sameeyeen Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah oo iskaashanaya, halkaas ayuuna naftiisa ku waayay.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Waxa kaloo uu sheegay in shan horjoogeyaal kale oo marti u ahaa inay ku dhaawacmeen duqayntaasi. Xubnahan ayuu ku sheegay horjoogeyaashii kale ee ka hawlgalayay Hirshabelle iyo Galmudug.

Abuukar Macalin Maxamuud ayaa ku waramaya in meel ku dhow Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud duqayn kale lagu la beegsaday gaari uu sheegay in lagu la cararay dhaawacyada raggaasi iyo labaatan ilaalo oo la socotay.

“Sidoo kale shan dhagarqabe oo marti u ahayd ayaa iyagana ku dhaawacmay duqayntaas, oo raggii horjoogeyaasha kale ahaa oo ka shaqayn jiray Gobolada Dhexe iyo Shabellaha Dhexe. Gaari ayaa lagu la cararay raggii dhaawaca ahaa iyo ilaaladii la socotay oo labaatan gaarayay, haddana duqayn kale ayaa lagu la dhuftay Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud meel u dhow.” Ayuu yiri Abuukar Macalin.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaan rabnaa shacabka Soomaaliyeed inaan ugu bishaarayno xilligan in cadowga Soomaaliyeed ee argagixisada ah jab weyn uu gaaray. Hawgalkan oo lagu magacaabo ‘Dhameysirka eeyaha naarta’ ayaa dib u cusboonaaday, waxaana uu ujeedka hawlgalkan yahay Khawaarijta Al Shabaab maalmo kooban ama muddo kooban lagu afjaro, shacabka Soomaaliyeed-na dhagartooda looga dulqaado.”

Abuukar Macalin ayaa intaasi ku daray “Waxaan leenahay Alle ayaa mahad leh, bacdamaa xubno ka mid ah cadowgii ugu waaweynaa ee ka jiray Gobolka Shabelaha Dhexe iyo Gobolada Dhexe ay burbureen. Qof kasta oo waddadaas marta, waddadaas ayaa u dambeyso ama waxay ku baxayaan gacanta geesiyaasha Ciidamada Qaranka, kuwa deegaanka ama duqaymo la mahdiyay ayaa ku dhici doono, si shartooda ummadda loo dhaafiyo.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc