Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlayay dhaqangelinta adeegsiga aqoonsiga qaranka oo la daahfuray sanad iyo bar ka hor.
Shirka ayaa waxaa lagu lafa-guray isku xirka adeegsiga aqoonsiga iyo adeegyada muhiimka ah ee ay isticmaalaan dadweynaha, taas oo meesha ka saareysa in ka badan 34 sano oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ahaayeen aqoonsi la’aan.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in adeegsiga dhijitaalku yahay fursad horumarineed oo saldhig u ah dhammaan qorsheyaasha kale ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo in Somaliya ay noqoto tusaalaha horumar ee gobolka iyo caalamkaba.
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegaya in la sameeyay dhammaan shuruucdii iyo hageyaashii kale ee saldhigga u ahaa ilaalinta xogta muwaadiniinta, xukuumadduna ay ballanqaadeyso in dadweynaha la diiwaangeliyo oo aqoonsi la siiyo.
Raysal Wasaaraha ayaa faray hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ee bixiya adeegyada uu aqoonsiga muhiimka u yahay in ay bixinta adeegyadooda ku xiraan kaarka aqoonsiga qaranka.
Raysal Wasaare Barre ayaa 16-kii bishii September ee sanadkii 2023 Muqdisho ka daahfuray nidaamka bixinta kaararka aqoonsiga iyo diiwaangelinta dadweynaha, inkastoo uu caqabado la kulmay.
Caqabadda ugu weyn ee laga la kulmay qaadashada kaarka waa Dowladda Federaalka oo ka gaabisay inay si dhakhsa ah u dejiso shuruucda qaranka uga degsan qofka qaadan kara kaarka aqoonsiga.
Xamse Cabdi Barre, Raysal Wasaaraha Somaliya ayaa hadda sheegaya in la dhameystiray shuruudaha laga doonayo muwaadiniinta qaadaneysa kaarka aqoonsiga.
Shuruudahan ayaa lagu dabaqay sharciga jinsiyadaha ee Dastuurka Somaliya, kaasoo muhiim u ah helitaanka kaarka aqoonsiga.
Bixinta ama qaadashada nidaam aqoonsi oo lagu kalsoonaan karo ayaa xoojinaya dowladnimada dalka, maadaama uu sare u qaadayo maamul wanaagga dowliga, iyadoo aqoonsigu uu muhiim u yahay amniga.