Golaha Wasiirada Somaliya ayaa maanta soo saaray go’aamo adag oo khuseeya amniga dalka, ka dib kulan ay ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka, Saalax Axmed Jaamac oo shir guddoominayay kulanka ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo amni.
Qodobadan ka soo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu adkeynayaa dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto maleeshiyada Al Shabaab iyo xaqiijinta nabadgelyada, iyadoona digniin adag loogu jeediyay shacabka.
Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo geba-gabadii kulankaasi shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa faah faahiyay awaamiirta uu goluhu soo saaray.
Wasiirka ayaa sheegay in go’aamadan culus ay ka dhalan doonaan tallaabooyin sharci iyo ciqaabo kala duwan.
Qodobada uu goluhu soo saaray ayaa kala ah:-
Sida sharciyadii iyo xeerarkii horey u marey Golaha Wasiirada ku xusan, waxaa muwaadiniinta mar kale la xusuusinayaa inay mamnuuc tahay in si khaldan loo isticmaalo ama been abuur laga sameeyo, si toos ah amaba si dadban , iyada oo la isticmaalayo Warbaahinta kala duwan oo barraha bulshada ay ka mid yihiin, qofkii lagu helana lala tiigsan doono tallaabooyin sharciga waafaqsan, oo ay ka mid yihiin in maxkamad la soo taago, ciqaab adag oo sharciga waafaqsana la marin doono.
Waxaa taa la mid ah muwaadinkii u ogolaada gurigiisa, rugtiisa ganacsi iyo gaadiidkiisa in lagu fuliyo fal dembiyeed amniga wax u dhimaya, waxa ay ka dhigan tahay adigoo si buuxda uga qayb qaatay falal argagixisanimo oo wax u dhimaya nabadgelyada qaranka, sida ku xusan xeerka ka hortagga iyo la dagaalanka argagixisada. Waxaa falalkan ka dhalan doona ciqaab adag oo waafaqsan sharciga iyo xukunno adag oo la mid ah kuwa lagu qaado argagixisada, iyada oo tallaabooyinka ay laamaha amniga qaadi doonaan ay ka mid yihiin la wareegista iyo qarameynta hantida lagu gaystay falalka argagixisanimo.
Sidan horeyba ugu digi jirnay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada iyo tuulooyinka ay ka socdaan hawlgalada lagu sifeynayo argagixisada, waxaa mar kale DFS ay uga digeysaa shacabka inay ka fogaadaan, kana taxaddaraan goobaha ay argagixisada Khawaarijta ku sugan yihiin, maadaama ay DFS go’aansatay in sare loo qaado hawlgallada cirka iyo dhulka ee ka dhan ah Khawaarijta banneysatey dhiigga shacabka.
Ugu dambayn Amniga Garoonka, waxaa la go’aamiyay in aan wax hub iyo gaadiid dagaal lala geli karin xeendaabka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho. Faah faahin sida qodobkan loo fulinayo waxaa dhawaan soo saari doona laamaha amniga.