Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyay kulan ka dhan ah maalgelinta kooxaha argagixisada ee dalka ka dagaalama.
“Kulanka waxaa ka qaybgalay Guddiga Qaran ee NAMLC, hay’adaha amniga iyo kuwa kale ee muhiimka u ah dowladda ayaa daba socda guulihii hore ee dowladdu ka gaartay la dagaalanka maalgelinta kooxaha argagixisada.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray dardargelinta dadaalada lagu wiiqayo maalgelinta kooxaha hubeysan ee dagaalka kula jira Dowladda Federaalka.
Kulanka ayaa laga soo saaray go’aamo lagu xoojinayo la dagaalanka maalgelinta ee argagixisada, iyadoona Madaxweynuhu uu carabka ku adkeeyay baa qoraalka lagu sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo ka qayb qaadata dhaqdhaqaaq kasta oo lagu maalgelinayo argagixisada.
“Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo dhinacyo badan taabanaya, si loo joojiyo baadda ay kooxda Khawaarijta ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxa kaloo lagu yiri “Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin culus u diray ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyay in ay ka digtoonaadaan la macaamilka kooxaha Khawaarijta. Waxa uu caddeeyay in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii October ee sanadkii 2022 ku dhawaaqay dagaal saddex weji leh oo ka dhan ah Al Shabaab, isagoo xilligaasi sheegay in dagaalku aanu ku ekaan doonin midka militariga oo keliya, balse ay sidoo kale Shabaab kala dagaalami doonaan dhanka dhaqaalaha iyo weliba xagga fekerka.
Dagaalkan oo dhammaadkii sanadkaasi ku bilowday si dardar leh, sanadkii xigayna Shabaab looga saaray inta badan deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa hakaday bilowgii sanadkan.
Villa Somalia ayaad mooddaa in muranada iyo khilaafyada aadka u soo kordhayay muddooyinkan ay ka mashquuliyeen dagaalkii lagu wiiqayay Shabaabka.
Qaabka uu ku bilowday dagaalkan ayaa Shabaabka uga dhigneyd waqtigoodii ugu adkaa, muddadii ay dalka ka dagaalamayeen.