Home Dhacdooyin Dowladda Iran oo xukun dil ah ku fulisay nin Yahuudi ah

Dowladda Iran oo xukun dil ah ku fulisay nin Yahuudi ah

by Laacib

Dowladda Iran ayaa maanta xukun dil ah ku filisay nin ka soo jeeda bulshada Yahuudda laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

Ninkan oo lagu magacaabo Arvin Ghahremani ayaa lagu helay in laba sano ka hor uu dilay nin kale.

Xukunka daldalaadda ayaa ka dhacay xabsi ku yaala Magaalada Kermanshah, sida ay sheegtay Hay’adda Xuquuqul Insaanka Iran ee IHR ee fadhigeedu yahay Magaalada Oslo ee dalkaasi Norway.

Agaasimaha Hay’adda IHR, Mahmood Amiry-Moghaddam ayaa sheegay in Tehran ay xukunkaasi ku fulisay ninka asalkiisu Yahuudi ahaa ee u dhashay Iran.

Agaasimaha ayaa sheegay in mad madow uu ku dahaaran yahay qaabka loo maray sharci ahaanshaha xukunka ninkaasi, maadaama sida uu sheegay aan si sax ah xukunkiisa loo waafajin sharciga, isagoo ku andacoonaya in ninkaasi uu dilka gaystay, isagoo is difaacaya, ka dib markii la soo weeraray.

Qoyskiisa waxay sheegeen in tuurey lagu soo weeraray, isla-markaana uu adeegsaday hubkii uu haystay, si uu isu difaaco.

Sonya Saadati oo ah hooyada dhashay Ghahremani ayaa codsatay in la badbaadiyo wiilkeeda, iyadoona qoyskeeda ay qoyska dhibanaha u soo bandhigeen inay mag ama diyo qaataan, balse aysan taasi shaqeyn.

“Naceybka heer dowladeed ee ka dhanka ah Yuhuudda Iran ayaa shaki la’aan ah kaalin muhiim ah ka ciyaaray fulinta xukunkiisa.” Ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda IHR.

Amiry-Moghaddam ayaa intaasi ku dartay in xukunka lagu fuliyay Ghahremani uu imanayo, iyadoo Iran iyo Israel ay ku sii dhawaanayaan dagaal ay galaan.

Warar is khilaafsan oo ku saabsan da’diisa ayaa la isku la wadaagay barraha bulshada, Warbaahinta Israel ayaase ku warameysa in Arvin Ghahremani uu ahaa 20 jir.

Hay’adda IHR ayaa sheegtay in ay soo badanayaan xukunada dilalka ah ee ay dowladda dalkaasi fuliso, waxayna sheegtay in sanadkan oo keliya la dilay 654 qof, oo ay ku jiraan 166 qof oo la daldalay bishii ina dhaaftay ee October.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc