Dowladda Mareykanka ayaa dacwad ku soo oogtay Hoggaamiyaha Ururka Xamaas, Yahya Sinwar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Xamaas.
Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa Saraakiishan la xiriirisay inay ka dambeeyeen weerarkii 7-dii bishii October ka dhacay dhulka ay Israel maamusho, kaas oo lagu dilay 1,200 oo qof.
Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa Saraakiisha reer Falastiin ku soo oogtay toddobo fal dembiyeed, oo ay ka mid yihiin dil loo gaystay muwaadiniin Mareykan ah, maalgelinta argagixisada iyo adeegsiga hubka wax dila.
Mareykanka ayaa Saraakiishan ku eedeeyay inay muddo tobanaan sano ah wadeen weeraro lagu dilayay muwaadiniinta Mareykanka iyo khatar amni oo ka dhan ah dalka Mareykanka.
Saraakiisha Xamaas ee dacwadda lagu soo oogay oo lix gaaraya ayaa ah Saraakiisha ugu muhiimsan Xafiiska Siyaasadda iyo Garabka Militariga Xamaas.
Xubnahan waxaa ka mid ah Ismail Haniyeh, Madaxii Xafiiska Siyaasadda Xamaas, kaas oo 31-kii bishii July lagu dilay weerar ka dhacay dalka Iran.
Xubnaha kale waxaa ka mid ah Mohammed Deif, oo ah Taliyaha Garabka Militariga Xamaas, Marwan Issa, Ali Baraka iyo Khaled Mashal oo horey u soo noqday Hoggaamiyaha Xamaas.
Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in la rumeysan yahay in saddex ka mid ah Saraakiishan ay dhinteen.
Washington ma sheegin waxa Xamaas ku khasbay inay weeraro kaga aargutaan gumeystaha Israel, oo la ogyahay dhibaatada baahsan ee ay ku hayaan shacabka Falastiiniyiinta.
Si kastaba ha-ahaatee waa dacwaddii ugu horreysay ee ceynkeeda ah uu Mareykanku ku soo oogo Saraakiisha Ururka Xamaas, inkastoo Mareykanka uu horey Xamaas ugu daray liiska argagixisada.
Dacwaddan ayaa imanaysa, xilli Mareykanku uu isku dayayo in uu riixo dadaalada caalamiga ah ee lagu dhexdhexaadinayo Xamaas iyo Israel, si loo dhameystiro heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee labada dhinac.
Xamaas ayaa dhowr jeer oo hore Mareykanka ku eedeysay in uu hal dhinac ka yahay colaadda muddada dheer ka jirta Bariga Dhexe.