Home Dhacdooyin Dowladda Nicaragua oo gebi ahaanba xiriirka u jartay Israel

Dowladda Nicaragua oo gebi ahaanba xiriirka u jartay Israel

by Laacib

Dalka Nicaragua ee dhaca bartamaha Qaaradda Latin America ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jaray Israel, sababo la xiriira dhiigga ay daadineyso.

Dowladda Nicaragua ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in gebi ahaanba ay jartay xiriirkii ay la lahayd Israel, sababtu tahay weerarada ay ka waddo dhulka Falastiiniyiinta iyo colaadda ay ku ballaarineyso Gobolka Bariga Dhexe.

Shirweynaha Qaranka ayaa Jimcihii lagu ansixiyay soo jeedin ku saabsaneyd in Dowladda Nicaragua ay qaaddo tallaabo ku aaddan sanad guurada koowaad ee ka soo wareegatay dagaalka Gaza.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Israel ay tahay dowlad Fashiste ah, kuna caan ah xasuuqa dadka maatida ah.

Nicaragua ayaa sidoo kale Israel ku eedeysay in hadda ay colaadda ku fidisay dalka Lubnaan, welina ay ku hanjabeyso inay burburin doonto Suuriya, Yemen iyo weliba Iran.

Nicaragua ayaa ku biirtay dalalka America ee xiriirka diblomaasiyadeed u jaray amaba hoos u dhigay xiriirkii ay la lahaayeen Israel, sida Bolivia, Belize, Brazil, Chile, Colombia iyo Honduras.

Waxa kaloo jira dalal kale oo kuwa caalamka ah oo hoos u dhigay xiriirkii ay la lahaayeen Israel, iyadoo laga jawaabayo xasuuqa aan ciqaabta lahayn ee ay ka waddo Marinka Gaza.

Mar kasta oo cadaadiska diblomaasiyadda uu kordho, waa mar kasta oo Israel ay noqonayso dowlad go’doon ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc