Home Wararka Maanta Dowladda oo baareyaal u direysa Beledweyne, ka dib weerarkii Hotel Qaahira

Dowladda oo baareyaal u direysa Beledweyne, ka dib weerarkii Hotel Qaahira

by Laacib

Laamaha amniga ee Dowladda Federaalka ayaa bilaabaya baaritaanka weerarka saacadaha badan qaatay ee dableyda ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ay Talaadadii ka gaysteen Hotel Qaahira ee Magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in baareyaal ka socda Dowladda Federaalka ay ku wajahan yihiin magaaladaasi, iyagoo la hawlgalaya kuwa Beledweyne.

Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa waxaa la sheegaya in ay hoggaamin doonto baaritaankan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiishu ay si dhow u baari doonaan in gaarigii iyo mooto bajaajtii lagu qarxiyay hotelkaasi ay ka soo gudbeen kontoroolka galbeed ee magaaladaasi iyo in kale.

Waxaa jira tuhun la xiriira in qaraxyadaasi lagu soo diyaariyay magaalada bannaankeeda, cid uuna ay Al Shabaab u fududeysay inay gudaha u soo geliso magaalada.

Saraakiisha ayaa sidoo kale baari doona, waxa ka jira in qaar ka mid ah dableydii weerartay hotelkaasi ay u suurtagashay in ay goobta ka baxsadaan.

Cumar Cismaan Calasow, Gudoomiyaha Degmada Beledweyne ayaa sheegay in lix nin ay soo weerartay hotelkaasi, isaga oo intaasi ku daray in laba ka mid ah la toogtay, afartii kalena ay is qarxisay, tiiyoo ay jirto ayaan haddana la soo bandhigin meydadka lixdaasi nin.

Dadka qaarkii ayaa shaki ka muujinaya in xubno ka mid raggaasi ay baxsadeen waaberigii hore ee Arbacadii, markaas oo rasaas xoog leh iyo jug xoogan laga maqlay xaafadda Howlwadaag oo hotelkaasi uu ku yaalo.

Rag hubeysan oo bannaanka ka yimid ayay wararku sheegayaan in ay weerareen ciidamadii ku hareereysnaa dableydii ka dhex dagaalameysay Qaahira Hotel, taas oo bilowgii dadka ku dhalisay tuhunka ku saabsan in dableydaasi la fakinayo.

Beesha galbeedka Beledweyne ee dadkeeda lagu beegsaday hotelkaasi ayaa waxaa soo baxaya in Dowladda Federaalka ay ka dalbatay in la baaro weerarkaasi.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan xubnaha beesha ku metela Baarlamaanka Federaalka ayaa si adag u cambaareeyay weerarkaasi.

Beeshan ayaa isku diyaarineysay, sidii ay uga qayb qaadan lahayd wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka, ka dib markii Dowladda Federaalka ay ku adkeysay in ay qayb ka noqoto hawlgalka Shabaab lagaga ciribtirayo deegaanada Hirshabelle.

Shabaabka oo sheegtay masuuliyadda weerarkaasi ayaa sheegay in hotelka lagu abaabulayay shirqool iyaga ka dhan ah.

Hotelkan oo ahaa mid la deganaa, shirarkana lagu qabto ayuu burbur weyn ka soo gaaray weerarka, sida weyn loo soo qorsheeyay.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in Shabaabku ay cadow ku yihiin dowladnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

Dadka reer Beledweyne ayaa isla dhex maraya in Shabaabku aysan halkaasi soo gaari lahayn, haddii aysan jirin gacan gudaha ah oo kala shaqeysay weerarka.

Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu waqtiga ahaa ee Al Shabaab ka gaysato Magaalada Beledweyne, inta ay taariikhda qoreyso.

Shabaabka ayaad arkaysaa in toddobaadyadii la soo dhaafay ay culeys ku hayeen deegaanada Hirshabelle, oo xudun u ah wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka.

Weerarada ay Shabaabku ka gaysanayaan Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa waxaa cad inay ku carqalaadeynayaan gulufka ku wajahan dhulka ay ka haystaan labadaasi gobol.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc