Home Wararka Maanta Dowladda oo shaqadeeda u bedeleysa goobta dagaalka

Dowladda oo shaqadeeda u bedeleysa goobta dagaalka

by Laacib

Raysal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay haystaan fursad muhiim ah oo waqti kooban lagu soo afjari karo maleeshiyada Al Shabaab, isagoona ku booriyay in ay gacmaha is qabsadaan, isla-markaana ay ka qayb qaataan ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka.

Raysal Wasaaraha ayaa Jimcihii sheegay in xukuumaddisu ay u guuri doonto jiidaha hore ee dagaalka lagu ciribtirayo sida uu yiri kooxaha Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah gobolada dalka.

Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku shir guddoomiyay kulan degdeg ahaa, oo looga hadlayay amniga Muqdisho & deegaanada ku xeeran iyo hawlgalka ka socdo qaybo ka mid ah dalka.

Hadalka Raysal Wasaare Barre ee ku saabsan in xukuumaddu ay u guureyso aagagga dagaalka ayaa loo fasirtay inay ka shaqayn doonto, sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Hadalkiisan ayaa imanaya, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Hirshabelle u joogo dardargelinta wejiga labaad ee hawlgalka dalka looga xoreynayo maleeshiyadaasi.

Madaxweynaha ayaa Khamiistii gaaray Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe, halkaas oo uu ka wado abaabul lagu xoojinayo dagaalka ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka kula jiraan maleeshiyadaasi.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa riixaya guluf la mid ah midkii Shabaabka sanadkii 2023 lagaga saaray qaybo badan oo ka mid ah dhulkii ay ka haysteen labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug.

Ifafaalaha muuqda ayaa muujinaya in hawlgalkan uu ka xooganaan doono midkii laba sano ka hor.

Madaxweynaha ayaa hadda buudka ciidamada u xirtay, sidii Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleydu ay u xaqiijin lahaayeen burburinta Shabaabka Hirshabelle, looguna hubin lahaa deegaanada Galmudug oo ka caagan argagixiso oo dhan.

Fallanqeeyeyaasha ayaa joogitaanka Madaxweynaha ee jiidaha hore ku macneeyay mid sare u qaadeysa niyadda ciidamada ku howlan in la wiiqo argagixisada.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa cuddudeeda isugu gaysay Hirshabelle, si uu hawlgalkan u guuleysto.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc