Dowladda Qatar ayaa ku baaqday in la riixo dadaalada xabad joojinta Marinka Gaza, si loo joojiyo dhiigga dadka rayidka ah ee ku daadanaya Gaza.
Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman Al Thani ayaa sheegay in diblomaasiyaddu ay tahay jaanta qura ee lagu gaari karo jidka xabad joojinta.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in diblomasiyadda ay horseedeyso in la helo xabad joojinta ay dunida u baahan tahay in maanta laga sameeyo Marinka Gaza.
“Diblomaasiyaddu waa waddada keliya ee lagu soo afjari karo dhammaan dagaalada iyo colaadaha.” Ayuu Raysal Wasaaruhu ka sheegay shir jaraa’id.
Raysal Wasaare Al Thani ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaadda ay dadka faraha badan ku dhimanayaan, isla-markaana xaaladda ba’an ee bani’aadantinimo ka abuuray Marinka Gaza.
Doha ayaa ballanqaaday inay sii wadi doonto dadaalkeeda, iyadoo la kaashaneysa saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah, si loo soo afjaro dagaalka iyo ka hortagga in colaadda ay baahdo.
“Qatar waxa ay ka shaqeynaysaa heshiis xabad joojin ah iyo is dhaafsiga maxaabiista, iyada oo hadda dib u eegis ku sameynaysa jawaabaha dhammaan dhinacyada iyo isku-dubaridka la hawlgalayaasha ay khuseyso.” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar.
Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel oo cadaadis uu ka haysto Xubnaha Golaha Wasiirada ee xagjirka ah ayaa isku dayaya in uu carqaladeeyo hindisihii ugu dambeeyay ee xabad joojinta Gaza.
Hoggaamiyaha Xisbiga Otzma Yehudit ahna Wasiirka Amniga Israel, Itamar Ben-Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich ayaa ku hanjabay in ay isaga bixi doonaan xukuumadda wadaagga ah, haddii Netanyahu uu aqbalo hindisaha Madaxweyne Joe Biden ee lagu joojinayo dagaalka. Ka bixitaanka xisbiga midigta fog ee xukuumadda ayaa soo dedejineysa in la qabto doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa 11-kii bishan sheegay in Netanyahu uu aqbalay hindisaha Biden, oo horseedaya sida uu sheegay in dagaalka la joojiyo iyo in maxaabiista ay dhinacyadu is weydaarsadaan, inkastoo Netanyahu aanu illaa iyo hadda shaacin, haddii ay aqbaleen hindisaha xabad joojinta iyo in kale.
Netanyahu oo si weyn ugu tiirsan isbahaysiga midigta fog ee ka biyo diidan xabad joojinta ayaa ka cararaya inay burburto xukuumaddiisa, tanina waxay ku jiideysaa in uu fuliyo dalabkooda, si loo sii wado gumaadka ay ciidamadooda ku hayaan shacabka aan waxba galabsan.
Israel oo wax sharci ah uusan qaban, marka aad eegto taageerada indha la’aanta ah ay Mareykanka ka haysato ayaa waddada u fureysa in ciidamadeedu ay sii wadaan dhacdooyinka argagaxa leh ee ay ku leynayaan shacabka aan hubeysneyn, isla-markaana ay is hortaagaan gargaarka naf badbaadinta ee maanta Gaza ka noqday, waxa loogu baahida badan yahay.
Dilka iyo gaajeysiinta Israel ay ku hayso dadka reer Gaza ayaa xoojineysa eedeymihii horeyba loogu jeedinayay, ee ahaa inay tahay dowlad aan ilaalin shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.
Dunida ayaa si weyn uga carreysan dhiigga ku daadanaya Marinka Gaza, iyadoo dadka ugu badan ee ku dhimanayana ay yihiin hooyooyin iyo dhallaan.
Tallaabada ugu muhiimsan ee ay maanta dunida qaadi karto ayaa ah inay siyaasad ahaan go’doomiso Israel, taas oo ka dhigeysa dowlad go’doon ah, si loogu ciqaabo xadgudubyadeeda joogtada ah ee ka dhanka ah, wixii uu caalamka ku heshiiyay.