Home Dhacdooyin Dowladda Somaliya oo fureysa xujada dagaalka Hirshabelle

Dowladda Somaliya oo fureysa xujada dagaalka Hirshabelle

by Laacib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro maleeshiyada Al Shabaab, gaar ahaan Hirshabelle oo haatan uu hawlgal ballaaran ka socdo Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saraakiisha ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Universaltv u sheegay in Madaxweynuhu uu Isniintii Saraakiisha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed u sheegay in la kordhiyo weerarada xagga cirka ee lagu wiiqayo Shabaabka Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa la sheegaya in uu si dhow ula socdo is bedelka ay ciidamadu ka sameynayaan goobta dagaalka, isla-markaana isaga oo ku sugan xafiiskiisa uu warbixino ka helayo saraakiisha hoggaamineysa hawlgalkan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu isku diyaarinayo safar uu ku tago deegaanada Hirshabelle, isagoo riixaya in hawlgalka la sii xoojiyo.

Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidamada ayaa illaa 15 kun oo askari geeyay Gobolka Shabellaha Dhexe ee Hirshabelle, haddii tirada askarta aysanba intaasi ka badnayn.

Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa ku foogan, sidii ay maleesiyada Al Shabaab kaga sifeyn lahaayeen gobolkaasi, ka hor inta aysan hawlgalkooda ku ballaarin Gobolka Hiiraan.

Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa hawlgalka dhinaca dhulka ee ka socdo waxaa barbar socda duqayn si joogta ah loogu hayo goobaha ay Shabaabku kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ayaa shalay Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi u magacaabay in uu noqdo Wasiirka Gaashaandhigga, isagoona bedelaya Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac). Wasiir Jaamac ayaa loo magcaabay Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda. Jibriil Cabdirashiid ayaa horey u ahaa Wasiirka Ganacsiga. Magacaabistan cusub ayaa qayb ka ah dardargelinta dagaalka lagu la jiro Al Shabaab.

Hawlgalka Shabaab lagaga kicinayo deegaanada Hirshabelle ayaa mudnaan gaar ahi u leh Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa.

Hawlgalkan ayaa go’aamin doono in Shabaab si buuxda looga adkaan karo iyo in kale, ka dib muddo 18 sano oo dalka ay ka dagaalamayeen. Haddii Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay soo afjarto Shabaabka Hirshabelle ayaa waxay abuuri doontaa rajada ah in dalka intiisa kalena maleeshiyada laga suulin karo. Hawlgalkan ayaana ku xiran jiritaanka Shabaab ee mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Marka aad milicsato dadaalka xoogga leh ee dowladdu ku bixineyso hawlgalka ka socdo Hirshabelle ayaad arkaysaa in joogitaankii Shabaab ee deegaanadaasi uu mugdi ku jiro.

Khubarada amniga ayaa sheegaya in Shabaabka oo kuwo xeelado badan ah ay suurtagal tahay in ay isku dayaan, sidii u fashilin lahaayeen hawlgalkaasi, balse taasi aysan hadda noqon karin mid macquul ah, haddii dowladdu aysan dabcin cadaadiska ay ku hayso.

Dagaalkan ayaa xujo ku ah Dowladda Federaalka oo waqti, maal iyo muruqba gelinaysa, sidii ay Hirshabelle uga dhigi lahayd meel ka caagan dhaqdhaqaaqyada Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa kuu sheegaya in qaranku uu markan awood buuxda u leedahay in uu furo xujo kasta oo ku aaddan hawlgalka ay tahay in lagaga takhaluso, waxa ay ku sheegeen firxadka Shabaabka ee ku dhuumaaleysanaya Hirshabelle.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo hawlgalkan hoggaaminaya ayaa farriimaha uu ka soo dirayo jiidda hore ku muujinaya in Shabaabka aanay sii joogi doonin Hirshabelle.

Dadku waxay si dhow isha ugu hayaan hawlgalka aan caadiga ahayn ee ciriiriga lagu gelinayo Shabaabka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc